Wasiirka amniga gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa xarigga ka jaray dhismaha cusub ee xarunta Miina baarista ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Munaasabadda xarig jarka dhismayaasha cusub ayaa waxaa goob joog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin iyo Taliye Xigeenka Boliiska Sareeye Guuto Zakiya Xuseen Axmed iyo marti sharaf ka socotay hay’adaha Caalamiga ah.
Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin ayaa qiray in saraakiisha iyo ciidanka Booliska ee ka howlgala xaruntan ay yihiin Badbaadiyahaasha Bulshada, isagoo xusay in xilli kasta ay diyaar u yihiiin ka hortagga dhagaraha Khawaarijta ay u soo maleegeyso shacabka.
Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ayaa u mahadceliyay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan Saraakiisha iyo Askarta xaruntan, kuwaas oo mar walba qatar u giliya naftooda sidii ay u badbaadin lahaayeen bulshadooda.
Xuruntaan lagu soo kordhiyay dhismayaasha cusub ayaa halbowle u ah sugidda amniga guud ee dalka, gaar ahaan Caasimada Muqdisho .
Wasiirka iyo Taliyaha ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay dowladda Japan oo gacan ka geysatay hirgelinta xaruntan oo muhiimad gaar ah u leh ciiidanka booliska iyo shacabka Soomaaliyeed.