Thursday, January 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka qayb galay daah-furka Golaha Safiirrada Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka qayb galay daah-furka Golaha Safiirrada Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Maalim Fiqi, ayaa galabta oo Arbaco ah ka qayb galay xafladda furitaanka Golaha Safiirrada Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya. Munaasabadda waxaa ka soo qayb galay tiro safiirro ka tirsan Jaamacadda Carabta oo u jooga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirku wuxuu si kal iyo laab ah uga mahadceliyay Danjire Cabdullaahi Al-Cutiibi, Madaxa Wakiillada Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya, dadaalkiisa ku aaddan daah-furka golahan, taas oo gacan ka geysaneysa xoojinta xiriirka u dhexeeya Safaaraddaha Carabta ee Soomaaliya iyo xiriirka guud ee Carabta iyo Soomaaliya.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026

Wasiir Axmed Maalim Fiqi ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay midnimada Carabta, isagoo tilmaamay in Jaamacadda Carabta ay muujisay taageeradeeda joogtada ah iyo sida ay ugu dheggan tahay taageerada Soomaaliya xilliyadii adkaa, taas oo ka muuqata go’aamadii ugu dambeeyay ee ka soo baxay shirarka Jaamacadda Carabta ee ku saabsan xadgudubyadii Itoobiya ay ka geysatay midnimada iyo xasilloonida dhulka Soomaaliya.

Wasiirku wuxuu caddeeyay in rajooyinka Soomaaliya ay dhaafsiisan yihiin xiriirka diblomaasiyadeed, balse ay raadinayaan inay xoojiyaan isku-dhafka Carabta si loo gaaro midnimo Carbeed oo mideysan.





Previous Post

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo heshiis la galay Hay’adda AMUCUBO

Next Post

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey labo kamid ah Safiirada Soomaaliya ku matalaya dalalka Caalamka 

Next Post
Golaha Wasiirrada oo ansixiyey labo kamid ah Safiirada Soomaaliya ku matalaya dalalka Caalamka 

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey labo kamid ah Safiirada Soomaaliya ku matalaya dalalka Caalamka 

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa Hoygiisa ku qaabilay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir...

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026
0

Waxaa maanta kulankoodii ugu horreeyey yeeshay labadii guddi farsamo ee kala matalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed....

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

January 28, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali, ayaa kulan la qaatay...

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

January 28, 2026
0

Muqdisho, Arbaco, 28 Jannaayo 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In