Thursday, February 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka qayb galay daah-furka Golaha Safiirrada Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka qayb galay daah-furka Golaha Safiirrada Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Maalim Fiqi, ayaa galabta oo Arbaco ah ka qayb galay xafladda furitaanka Golaha Safiirrada Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya. Munaasabadda waxaa ka soo qayb galay tiro safiirro ka tirsan Jaamacadda Carabta oo u jooga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirku wuxuu si kal iyo laab ah uga mahadceliyay Danjire Cabdullaahi Al-Cutiibi, Madaxa Wakiillada Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya, dadaalkiisa ku aaddan daah-furka golahan, taas oo gacan ka geysaneysa xoojinta xiriirka u dhexeeya Safaaraddaha Carabta ee Soomaaliya iyo xiriirka guud ee Carabta iyo Soomaaliya.

Related posts

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 19, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo si rasmi ah u furay tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka

Wasiirka Warfaafinta oo si rasmi ah u furay tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka

February 18, 2026

Wasiir Axmed Maalim Fiqi ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay midnimada Carabta, isagoo tilmaamay in Jaamacadda Carabta ay muujisay taageeradeeda joogtada ah iyo sida ay ugu dheggan tahay taageerada Soomaaliya xilliyadii adkaa, taas oo ka muuqata go’aamadii ugu dambeeyay ee ka soo baxay shirarka Jaamacadda Carabta ee ku saabsan xadgudubyadii Itoobiya ay ka geysatay midnimada iyo xasilloonida dhulka Soomaaliya.

Wasiirku wuxuu caddeeyay in rajooyinka Soomaaliya ay dhaafsiisan yihiin xiriirka diblomaasiyadeed, balse ay raadinayaan inay xoojiyaan isku-dhafka Carabta si loo gaaro midnimo Carbeed oo mideysan.

Previous Post

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo heshiis la galay Hay’adda AMUCUBO

Next Post

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey labo kamid ah Safiirada Soomaaliya ku matalaya dalalka Caalamka 

Next Post
Golaha Wasiirrada oo ansixiyey labo kamid ah Safiirada Soomaaliya ku matalaya dalalka Caalamka 

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey labo kamid ah Safiirada Soomaaliya ku matalaya dalalka Caalamka 

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 19, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Wasiirka Warfaafinta oo si rasmi ah u furay tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka

Wasiirka Warfaafinta oo si rasmi ah u furay tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka

February 18, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa si rasmi ah caawa u daah-furay tartan...

Senator Xasan Kobac oo deeq raashin ah gaarsiiyay qoysas danyar ah

Senator Xasan Kobac oo deeq raashin ah gaarsiiyay qoysas danyar ah

February 18, 2026
0

Senator Xasan Iidow Muxumed Kobac ayaa deeq raashiin afur ah u qeybiyay qoysas danyar ah oo ku nool Gobolka Banaadir,...

Wasiirka Tamarta XFS oo qaabilay Agaasimaha cusub ee Hay’adda WFP

Wasiirka Tamarta XFS oo qaabilay Agaasimaha cusub ee Hay’adda WFP

February 18, 2026
0

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdillahi Bidhan Warsame, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha cusub ee Hay’adda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In