Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ku dhowaaqay hindise lagu casriyaynayo howlaha Wasaaradda

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ku dhowaaqay hindise lagu casriyaynayo howlaha Wasaaradda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta shir-guddoomiyay kulan ay iskugu yimaadeen Xoghayaha Joogtada iyo Agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda oo diiradda lagu saaray isbedello istiraatiijiyadeed oo ujeedkeedu yahay hagaajinta iyo dardargelinta shaqada.

Wasiir Fiqi ayaa faray howl wadeennada fulinta qorsheyaal hiigsi leh oo dib loogu habeynayo arkiifiyada iyo adeegyada qunsuliyadeed, iyadoo ujeeddadu tahay casriyaynta iyo ka dhigidda “degital” nambar iyo tixraac leh.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Wasiirka Arrimaha dibadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa caddeeyay muhiimadda ay leedahay xiriirka labo geesoodka iyo midka dhinacyada badan, wuxuuna qeexay istiraatiiyado lagu xoojinayo xiriirada siyaasadeed, amni, dhaqaale iyo bulsho, iyadoo la unkayo feylal dhammaystiran oo u samaysan hab juquraafi ah.

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa ku nuux-nuuxsaday muhiimadda ay leedahay in si la hubo loo keydiyo dukumiintiyada iyo natiijooyinka ka soo baxa shirarka iyo wada hadallada dibadda si loo raad-raaco, loona fuliyo.

Wasiirka ayaa dhiirri geliyay hal-abuurka iyo wax-soo-saarka howl wadeennada wasaaradda, isagoo sheegay in ay yihiin tiirar lama-huraan ah oo lagu gaaro guulo diblamaasiyadeed, ayna xoojinayaan sumcadda Soomaaliya ee dhanka caalamka..

Previous Post

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo shir la qaatay Madaxda Shirkadaha Isgaarsiinta

Next Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qeybgalay Heshiis lagu mideynayo qaar kamid ah shirkadaha Korontada bixiya “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qeybgalay Heshiis lagu mideynayo qaar kamid ah shirkadaha Korontada bixiya “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qeybgalay Heshiis lagu mideynayo qaar kamid ah shirkadaha Korontada bixiya “SAWIRRO”

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In