Tuesday, March 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo la kulmay ardayda iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Suudaan “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo la kulmay ardayda iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Suudaan “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad si heer sara loo agaasimay oo uu Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad kula hadlayay Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Jaamacadaha Dalka Suudaan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Jaaliyadda, Ardayda, Salaadiin, Madaxda Ururka Ardayda Soomaaliyeed iyo waliba Diblomaasiinta Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Suudaan, iyadoo ay soo qabanqaabiyeen Munaasabadda Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee ku mideysan Jaamacadda Afrika.

Ugu horeyn inta aysan bilaaban munaasabadda ayaa Wasiirka iyo wafdigiisa waxaa goobta ku soo dhaweyay Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Suudaan Cabdiwali Xasan Xuseen iyo Fiidwo Maxamuud Fiidow oo ah Uqeybsanaha Warfaafinta Safaaradda.

Related posts

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

March 31, 2026
Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gaaray Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gaaray Baydhabo

March 31, 2026

Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad oo khudbad dheer ka jeediyay goobta ayaa ardayda ugu warbixiyay xaalka Dalka uu marayo iyo horumarka ay ku tilaabsatay Dowladda Soomaaliya, asigoo Ardayda Soomaaliyeed kula dardaarmay inay sii wadaan dadaalkooda waxbarasho oo ay ka gun gaaraan hadafka ay ka leeyihiin waxbarashada.

Mudane Axmed Ciise Cawad Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa la filayaa inuu maanta soo gabagabeeya booqasho 4-maalin qaadatay oo uu ku joogay Dalka Suudaan.

Previous Post

Faah faahin Maxaabiis laga soo daayay Dalka Hindiya oo maanta Muqdisho imaanaya

Next Post

Maalmulka Galmudug oo ka warbixiyay kulamo ay la qaateen Odoyaasha dhaqanka ee Degmada Caabudwaaq

Next Post
Galmudug: “Shirka waxa uu ku saabsanyahay sidii Nabad loogu soo dabaali lahaa Gaalkacyo”

Maalmulka Galmudug oo ka warbixiyay kulamo ay la qaateen Odoyaasha dhaqanka ee Degmada Caabudwaaq

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

March 31, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Dr. Maryan Qaasim, iyo wafdigeeda ayaa ka qayb galay shirka Golaha Guud ee...

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gaaray Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gaaray Baydhabo

March 31, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi isugu jira wasiiro Iyo...

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya oo caawa ciyaar adag la leh xulka Mauritius.

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya oo caawa ciyaar adag la leh xulka Mauritius.

March 31, 2026
0

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta ayaa caawa 06:00 PM ciyaar adag oo qeyb ka ah isreeb-reebka hordhaca ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda  abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

March 31, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qayb galay munaasabadda maamuuska iyo abaalmarinta barnaamijka “Daaci...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In