Wednesday, October 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo la kulmay danjirayaasha wadamada IGAD ee fadhigoodu yahay Muqdisho “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo la kulmay danjirayaasha wadamada IGAD ee fadhigoodu yahay Muqdisho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa maanta ku qaabilay Muqdisho Danjirayaasha wadamada ku bahoobay Urur goboleedka IGAD ee ka howlaga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

 

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

Intii kulanku socday, Wasiir Cawad waxa uu kaga hadlay horumarradii ugu dambeeyay ee Soomaaliya dhinacyada siyaasadda, ammaanka, dhaqaallaha iyo bulshada. Waxa uu sheegay in Xukuumadda Federaalka ay xoojinayso dadaalkeeda lagu xaqiijinayo nabadda iyo is fahamka, isagoo ku bogaadiyay wadamada IGAD sida ay u garab taagan yihiin Soomaaliya oo ah xushmad is dhaafsi si loo dhowro amnigeeda, deganaanshaheeda iyo madax banaanideeda qaran.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay garab istaagga dadaalka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ay kaga dhabaynayso rabitaanka shacabka, isagoo ku nuux nuuxsaday in Soomaaliya marnaba aqbali doonin in xadgudub lagula dhaqaaqo madax banaanideeda iyo qarannimadeeda. Waxa uu tilmaamay in Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey Nicholas Haysom uu yahay “Shakhsi aan waddanka laga rabin, kana shaqayn karin” taasi oo ay ugu wacan tahay hab dhaqankiisa ku xadgudbay madax banaanida dalka iyo sidoo kale qawaaniinta caalamiga iyo xeerarka diblomaasiyadeed, sida ku cad Cahdiga Vienna ee Xiriirrada Diblomaasiyadeed, iyadoo taasi laga ambaqaadayo waxa ay Soomaaliya qaaday dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee xad u yeelaya in lagu xadgudbo madax banaanideeda.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda, Danjire Saciid Xaaji Maxamuud, Agaasimaha Waaxda Hab maamuuska, Avv. Xirsi Xaaji Culusow iyo Agaasimaha Waaxda Afrika Mudane Cabdiladhiif Maxamuud Cali.

Previous Post

Howl-gal lagu laayay Malleeshiyaad Al-Shabaab ahaa oo ka dhacay Aw-dheegle

Next Post

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Caabud-waaq ka furay kulan nabadeed oo lagu dhamaynayo Colaaddii Kaxandhaale “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Caabud-waaq ka furay kulan nabadeed oo lagu dhamaynayo Colaaddii Kaxandhaale “SAWIRRO”

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Caabud-waaq ka furay kulan nabadeed oo lagu dhamaynayo Colaaddii Kaxandhaale "SAWIRRO"

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In