Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo xaflad af-fursiin Ramadaan ah u sameeyay Safiirrada wadamada Islaamka iyo kuwa saaxiibada

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo xaflad af-fursiin Ramadaan ah u sameeyay Safiirrada wadamada Islaamka iyo kuwa saaxiibada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ayaa maalintii shalay ee Khamiista (23 May) waxa uu xaflad af-fursiin ah u sameeyay Safiirrada Wadamada Islaamka, kuwa saaxiibada ah iyo Wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, iyadoo ay ka soo qeybgaleen qaar ka mid ah Wasiirrada Xukuumadda Federaalka iyo saraakiisha sare sare ee Wasaaradda.

Wasiir Cawad waxa uu caddeeyay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed ‘Farmaajo’ iyo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ay go’aan ku gaareen in ay xoojiyaan xiriirka laba geesoodka, saaxiibtinimada iyo isku xidhnaanta bulsho ee Soomaaliya la wadaagto wadamadaasi.

Mudane Danjire Cawad, waxa uu u sheegay safiirrada in martiqaadka cashada af-furka ah ay tahay fursad wanaagsan oo dib loogu xaqiijin karo ka go’naanta milgaha caalamiga ah ee ku suntan xushmad is dhaafsiga, midnimada, is cafiska , is oggolaanshaha iyo dadaalka wadajirka ah ee lagu raadinayo nabadda, cadaaladda iyo sharafta.

Related posts

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026

Waxa uu intaasi ku daray in xafladda af-fursiinta ah ee Wasaaraddu u qabato Munaasabadda bisha barakaysan ee Ramadaan ay tahay dhaqan sanadeed lagu muujiyo tixgelinta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo aqoonsigeeda ahmiyadda bishan fadliga u leh muslimiinta oo ay harayso naxariista iyo kalgacaylka. Wasiirku waxa uu u rajeeyay safiirrada iyo qoysaskooda inay ku naaloodaan farxad iyo caafimaad-qab.

Previous Post

Ilaalada Xeebaha Libya oo badbaadiyay 290 muhaajiriin ah

Next Post

Marwada Qaranka oo wada hadallo lagu horumarinayo arrimaha haweenka la yeelatay Marwada 1-aad ee Turkiga “SAWIRRO”

Next Post
Marwada Qaranka oo wada hadallo lagu horumarinayo arrimaha haweenka la yeelatay Marwada 1-aad ee Turkiga “SAWIRRO”

Marwada Qaranka oo wada hadallo lagu horumarinayo arrimaha haweenka la yeelatay Marwada 1-aad ee Turkiga "SAWIRRO"

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In