Saturday, October 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo xaflad af-fursiin Ramadaan ah u sameeyay Safiirrada wadamada Islaamka iyo kuwa saaxiibada

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo xaflad af-fursiin Ramadaan ah u sameeyay Safiirrada wadamada Islaamka iyo kuwa saaxiibada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ayaa maalintii shalay ee Khamiista (23 May) waxa uu xaflad af-fursiin ah u sameeyay Safiirrada Wadamada Islaamka, kuwa saaxiibada ah iyo Wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, iyadoo ay ka soo qeybgaleen qaar ka mid ah Wasiirrada Xukuumadda Federaalka iyo saraakiisha sare sare ee Wasaaradda.

Wasiir Cawad waxa uu caddeeyay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed ‘Farmaajo’ iyo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ay go’aan ku gaareen in ay xoojiyaan xiriirka laba geesoodka, saaxiibtinimada iyo isku xidhnaanta bulsho ee Soomaaliya la wadaagto wadamadaasi.

Mudane Danjire Cawad, waxa uu u sheegay safiirrada in martiqaadka cashada af-furka ah ay tahay fursad wanaagsan oo dib loogu xaqiijin karo ka go’naanta milgaha caalamiga ah ee ku suntan xushmad is dhaafsiga, midnimada, is cafiska , is oggolaanshaha iyo dadaalka wadajirka ah ee lagu raadinayo nabadda, cadaaladda iyo sharafta.

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

Waxa uu intaasi ku daray in xafladda af-fursiinta ah ee Wasaaraddu u qabato Munaasabadda bisha barakaysan ee Ramadaan ay tahay dhaqan sanadeed lagu muujiyo tixgelinta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo aqoonsigeeda ahmiyadda bishan fadliga u leh muslimiinta oo ay harayso naxariista iyo kalgacaylka. Wasiirku waxa uu u rajeeyay safiirrada iyo qoysaskooda inay ku naaloodaan farxad iyo caafimaad-qab.

Previous Post

Ilaalada Xeebaha Libya oo badbaadiyay 290 muhaajiriin ah

Next Post

Marwada Qaranka oo wada hadallo lagu horumarinayo arrimaha haweenka la yeelatay Marwada 1-aad ee Turkiga “SAWIRRO”

Next Post
Marwada Qaranka oo wada hadallo lagu horumarinayo arrimaha haweenka la yeelatay Marwada 1-aad ee Turkiga “SAWIRRO”

Marwada Qaranka oo wada hadallo lagu horumarinayo arrimaha haweenka la yeelatay Marwada 1-aad ee Turkiga "SAWIRRO"

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In