Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Abshir Cunmar Jaamac Huruse iyo wafti uu hoggaaminayey ayaa gaaray dalka Algeria.
Wasiirka iyo wafdigiisa, ayaa ka qeyb gali doona shir-waynaha Ururka Jaamacadda Carabta oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay aan u qabsoomin xaaladda caabuqa COVID-19 darteed.