Wednesday, April 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ku tilmaamay Ra’iisul Wasaaraha New Zealand hoggaamiye fariid ah

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ku tilmaamay Ra’iisul Wasaaraha New Zealand hoggaamiye fariid ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa muujiyay sida uu ugu qanacsan yahay falcelinta Xukuumadda New Zealand ee ay hoggaamiso Ra’iisul wasaare Jacinda Ardern ay ka sameysay weerarka argagaxiso ee ka dhanka ahaa muslimiin salaadda Jimcaha ku tukanayay laba masjid oo ku yaalla Magaalada Christchurch (15 Maarso).

 

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay Shabeellooyinka

March 31, 2026
Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

March 31, 2026

Wasiir Cawad oo khudbad ka jeedinayay kulanka degdega ee Ururka Iskaashiga Islaamka heer Wasiirro Arrimo Dibadeed oo ku qabsoomay magaalada Istanbul, Turkey, oo looga hadlayay weerarka argagaxiso ee bahalnimada leh ee Islaam neceybka ee ka dhacay New Zealand ayaa yiri “Aniga oo ku hadlaya Magaca Madaxweynahayga, kan Ra’iisul wasaarahayga iyo kan Shacabka Soomaaliyeed, waxa aan tacsi u dirayaa qoysaska, bulshada muslimka ah, Shacabka iyo Xukuumadda New Zealand oo ku aaddan xasuuqii Christchurch ee dhacay 15 March 2019. Ka Soomaali ahaan waxaan la tiiraanyeysannahay dhammaan dhibanayaasha aan waxba galabsan, waxa aan ka naxsannahay xasuuqaasi murugada leh”.

Wasiirku waxa uu khudbaddiisa ku sheegay in Soomaali lagu dilay weerarkaasi argagaxa lahaa “toogashada ka dhacday Masjidka Al Nuur iyo xarunta islaamiga Linwood ee Magaalada Christchurch ee lagu dilay 50 ruux, laguna dhaawacay 50 muslimiin aan waxba galabsan oo da’doodu u dhexeysay 5 illaa iyo 79 sano-jir oo ka kala yimid wadamo kala duwan oo uu ku jiro dalkayga Soomaaliya. Weerarkaas nacaybka xambaarsanaa wuxuu gallaaftay nolosha 5 Soomaali New Zealanders ah oo uu ku jiray canug 5 sano-jir ah”.

“Waxa aan si adag u cambaaraynaynaa weerarkaasi argagaxiso ee xun ee islaam naceybka ah” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Previous Post

Soomaaliya iyo Turkiga oo kala saxiixday heshiis ku saabsan isdhaafsi dhul safaaradeed “SAWIRRO”

Next Post

Guddoomiye Tuulax oo xalay kormeeray hanaanka suggida Ammaanka Degmada Wadajir “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiye Tuulax oo xalay kormeeray hanaanka suggida Ammaanka Degmada Wadajir “SAWIRRO”

Guddoomiye Tuulax oo xalay kormeeray hanaanka suggida Ammaanka Degmada Wadajir "SAWIRRO"

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay Shabeellooyinka

March 31, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan oo lagu burburiyay xarumo ay...

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

March 31, 2026
0

Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta ayaa gaaray guul taariikhi ah kaddib ciyaar adag oo ay la yeesheen dhiggooda Mauritius,...

Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha u Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo kulan yeeshay

Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha u Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo kulan yeeshay

March 31, 2026
0

Waxaa maanta xarunta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) lagu qabtay kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

March 31, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Dr. Maryan Qaasim, iyo wafdigeeda ayaa ka qayb galay shirka Golaha Guud ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In