Saturday, October 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay Dhigiisa Shiinaha “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay Dhigiisa Shiinaha “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya ayaa dalka Shiinaha kulan kula qaatay dhiggiisa dalkaas oo ay ka wada hadleen sidii Soomaaliya looga faa’iideyn lahaa mashaariicda Shiinuhu ka fuliyo Qaaradd Afrika.

Mudane Axmed Ciise Cawad Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya oo wareysi siinayey Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in kulanka uu la qaatay dhigiisa Shiinaha uu la xiriiray sidii ay Soomaaliya uga faa’iideysan lahayd mashaariicda horumarineed ee ay dowladda Shiinaha ka wadaan Afrika.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

October 3, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026

“Waxaan kulan gaar ah la qaatay Wasiirka Arrimaha dibada Shiinaha waxaan ka wada hadalnay xiriirka soo jireenka ah ee labada iyo sidii loo xoojin lahaa, waxaan kaloo ka wada hadalnay sidii Soomaaliya ay uga faa’iideysan lahayd mashaariicda ay Shiinaha ka waddo Afrika” ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in socdaalka ay u joogaan Shiinaha ay tahay sidii ay dabagal ugu sameyn lahaayeen waxyaabihii ay ku heshiiyeen sanadkii la soo dhaafay Madaxda Afrika iyo Shiinaha, gaar ahaan shirkii iskaaashiga dhanka horumarka ee bishii September ee sanadkii tegay lagu qabtay dalka Shiinaha, kaasi oo la isku raacay in Shiinaha uu xoojin doono iskaashiga uu la leeyahay Afrika.

Wasiir Cawad ayaa yiri “Waxaan kaloo la kulanay wafuuda shirka ka soo qeybgalay, gaar ahaan Wasiirada Arrimaha dibadda iyo hay’adaa Maaliyadda ee dalka Shiinaha, gaar ahaan Madaxda Bankiyada dalka Shiinaha oo aan kala hadalnay sida uu dal waliba uga faa’iideysan karo mashaariicda ay Shiinaha wadaan, muhiim ayay noo ahayd inaan fahano”.

Mohamed Osman Abdi (Black Cobra)

Previous Post

DAAWO SAWIRRADA: Qaban qaabada soo dhaweynta Wafdiga Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ka socoto Dhuusamareeb

Next Post

Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Aqalka Sare oo gaaray Cadaado

Next Post
Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Aqalka Sare oo gaaray Cadaado

Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Aqalka Sare oo gaaray Cadaado

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

October 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa Magaalada Arusha ee Dalka Tanzania kulan...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran ayaa gaaray magaalada Al-Calamayn ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar....

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026
0

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Galmudug, oo kaashanaysa Ciidanka Difaaca Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, ayaa hawlgal kormeer iyo...

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In