Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Abshir Cumar Jaamac, ayaaย maanta Caasimadda Muqdisho ku soo dhoweeyay Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Jaaliyadaha ee dalka aan walaalaha nahay ee Yemen, Dr. Axmed Cawad bin Mubarak, oo booqasho rasmi ah oo seddex maalmood ahi uga bilaabatay dalkeena.
Dalka Yemen oo aan wadaagno xiriir qoto dheer oo leh dhinacyada Dadka, Taariikhda, dhaqanka iyo dhaqaalahaba waxaan iska kaashanaynaa sidii aan usii xoojin lahayn xiriirkaas soo jireenka ah, sidaasi waxaa yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.
Inta uu wasiir Dr. Axmed joogo dalkeena waxaan wada yeelan doonnaa wadahadallo la xiriira arrimaha labada dal. Sidoo kale wasiirku wuxuu booqan doonaa qaar ka mid ah xarumaha dowladda, wuxuuna la kulmi doonaa madaxda sare ee dowladda qaarkood, sidaasi waxaa caddeeyay Wasiir Abshir Cumar Jaamac.