Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka arrimaha dibadda XFS oo faah faahin ka bixiyay qodobada ka soo baxay Shirka OIC “SAWIRRO”

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Wasiirka arrimaha dibadda XFS oo faah faahin ka bixiyay qodobada ka soo baxay Shirka OIC “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
Wasiirka Arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa ku tilmaamay Shirka Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka OIC mid taariikh ah oo maanta ka qabsoomay magaalada Muqdisho,kaasi oo ay ka soo qeyb galeen 11-dal oo 14-dal ka mid ah iskaashiga Islaamka ugu qaabilsan yihiin taakuleynta dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Sida Wasiir Cawad uu sheegay Shirka waxaa Khudbad loo bogay ka jeediyay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo ku dheeraaday horumarka Soomaaliya gaartay iyo taageerada ay ka fileyso dalalka Islaamka maanta goobjooga ka ahaa shirka Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka OIC ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

“ Shirku si fiican ayuu u dhacay waxaa shirguddoomiye ka ahaa Dowladda Qadar,oo uu goob joog ahaa Wasiiru dowlahooda arrimaha dibadda,waxaana kooxdaan loo yaqaano xiriirka Soomaaliya ee Ururka OIC guddoomiye u ah Qadar,martidu waxay ka mahad naqeen soo dhoweyntii diirneyd ee loo fidiyay,shirku wuxuu ku soo gaba-gaboobay inuu ka soo baxo dhambaal nurxurkiisu ahaa in dalalka iskaaskiga islaamka ay adkeeyaan midnimada dalka Soomaaliya iyo Qaranimada dadka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Wasiir Cawad.

Sidoo kale,Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in waxyaabaha shirka ka soo baxay qeyb ka tahay in Soomaaliya laga garab istaago dhanka horumarka ee loo qaadayo dhinaca Dowladnimada,dhanka gargaarka bini-aadanimo,sidoo kale shirkan waxaa lagu qiray in Xukuumadda Soomaaliya ay ku talaabsatay horumar la taaban karo ee dhinacyada amniga,siyaasadda iyo waliba arrimaha Bulshada.

Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka iskaashiga Islaamka ayaa ka kooban Dalalka kala ah:- Azerbaijan, Brunei, Djibouti, Egypt, Gabon, Iran, Kuwait, Malaysia, Pakistan, Qatar, Saudi Arabia, Sudan, Turkey, UAE iyo Yemen, waana markii ugu horreysay ee ay Soomaaliya marti geliso shir caynkan oo kale ah tan iyo xilligii la asaasay Ururkan 1972-kii, balse shirkii ururka Islaamka ayaa hore loogu qabtay Magaalada Muqdisho sanadkii 1969-kii markaasi oo ay wada aas-aaseen allaha u wada naxaristee Madaxweyne C/rashiid Cali Sharma’arke iyo Boqorkii Sacuudiga ee Xilligaasi Boqor Feysal Aala Sacuud.

Previous Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Safiirka Norwey u fadhiya Soomaaliya+Sawirro

Next Post

Kuweyt oo Beesha caalamka uga baaqday inay taageeraan Soomaaliya

Next Post
Kuweyt oo Beesha caalamka uga baaqday  inay taageeraan Soomaaliya

Kuweyt oo Beesha caalamka uga baaqday inay taageeraan Soomaaliya

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In