Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Hay’adda WFDP

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Hay’adda WFDP
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi balaaran oo ka socda hay’adda WFDP oo uu hogaaminaayo Ambassador Akramy El zaghat oo ah Madaxweeynaha WFDP ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka, waxaana ku soo dhaweeyey garoonka Aadan Cadde Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibeda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Abshir Cumar Huruuse oo ay wehliyaan xoghayaha joogtada ah ee arrimaha dibadda Xamsa Aadan Xaadoow, agaasimaha Waaxda hab-maamuuska Wasaaradda arrimaha dibada Yaxye Yusuf Xaaji Cali iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiirka ayaa wafdiga ka socday hay’adda WFDP ku qaabilay qaybta VIP-da ee garoonka, kulankaas oo ku aadanaa sida hay’addu uga shaqeeyn doonto dalka, iyo sida ay ula falgali doonto wasaaradaha ay quseeyaan hawlaha ay dalka ka qabanayso dhawaan.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Hay’adda ayaa dalka ka fulin doonta mashaariic ay ka mid yihiin inay Soomaaliya kala shaqayso kordhinta maalgashiga, kor u qaadida xirfadaha shaqaalaha, gaar ahaan kordhinta xirfadaha haweenka iyo arimaha Beni’aadannimada.

Golaha Xukuumadu ayaa horey u ansiyey 15-kii bishii Juun in ay dalka ka shaqeyso, iyadoo fadhigeedu uu noqon doono magaalada Muqdisho, maadaama ay hadda xarun ku leeyihiin magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Previous Post

Midowga Afrika oo Warqadaha Aqoonsiga ka Guddoomay Safiirka Soomaalia ee Ethiopia

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir Wadatashi ah ku casuumay Madaxdii hore ee dalka

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir Wadatashi ah ku casuumay Madaxdii hore ee dalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir Wadatashi ah ku casuumay Madaxdii hore ee dalka

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In