Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Yuusuf Garaad oo si rasmi ah xilka ula wareegay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha Dibadda Yuusuf Garaad oo si rasmi ah xilka ula wareegay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, April 05, 2017 – Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Yuusuf Garaad Cumar ayaa maanta si rasmi ah ugala wareegay xilka Wasaaradaasi Wasiirkii hore Dr. Cabdusalam Hadliye Cumer kadib munaasabad ka dhacday xarunta Wasaaradda ee caasimadda Muqdisho.

Xafladda xil wareejinta oo ay goob joog ka ahaayeen Ra’iisul wasaare kuxigeeenka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Eng. Mahdi Axmed Guled, Wasiiru dowlaha cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdulkaqir Axmed-Kheir Cabdi, Wasiir kuxigeenka cusub ee ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mukhtar Mahad Daa’uud, Hantidhowrka Qaranka Nuur Faarax Jimcaale, Garyaqaanka guud ee dowladda Cusmaan Cilmi Guuleed, Xeer ilaaliyaha Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir, Xildhibaanno ka kala tirsan Golaha shacabka iyo Aqalka sare, Wasiiru dowlihii hore ee Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Khaalid Cumar Cali, Wasiir kuxigeenkii hore ee Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Axmed Cali Maxaamed “Kadiye”, Wasiirro ka tirsanaa Xukuumaddii hore, Saraakiil amni, Danjireyaal , Diblomaasiyiin, Agaasimeyayaasha waaxyaha iyo howlwadeennada kala duwan ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

Hadal uu madasha ka jeediyay Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashig Dr Cabdusalam Hadliye Cumar ayaa ugu horeyntii u mahadceliyay dhammaan shaqaallaha Wasaaradda kuwa gudaha iyo dibadda, isaga oo sheegay inay sharaf u aheyd inuu adeego dalkiisa iyo dadkiisa, waxaana uu ku faanay in muuqaalka dibadda iyo sumcadda Soomaaliya uu sare u qaaday , dunidana uu tusay inay «Soomaali weli nooshahay» .

Dr. Cabdusalam Hadliye Cumar ayaa sheegay in xiriirka Soomaaliya ay la leedahay dalalka gobolka si gaar ah Ethiopia, Kenya, Djibouti iyo gacanka carbeed si gaar ah Isutagga Imaaraat-ka Carabta uu yahay mid xoogan oo ku dhisan iskaashi.

Hadliye waxa uu sheegay in mudadii uu xilka hayay dadkii uu u magacaabay xilal safaaradeed ay ahaayeen kuwa mudnaa, kuna xushay aqoon, karti iyo waaya-aragnimo.

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda ayaa si gaar ah u xusay xaaladaha dhaqaale xumo ee dalka oo Wasaaradda iyo diblomaasiyiinteena ay la dhibtoodeen.

Danjire, Yuusuf Garaad Cumar, Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in Wasaaraddiisu ku arko dad khibrad leh, lana yeelan doono kulamo kala gaar gaar ah iyo mid loo dhan yahay si loo gaaro horumar balaaran , isaga oo ballan qaaday in aragtiyo ay qabaan Madaxda qaranka iyo xogaha Wasaaradda uu ka uruuriyo ku horumarin doono siyaasadda degsan ee arrimaha dibadda.

Wasiir Yuusuf Garaad ayaa sheegay in Wasaaraddiisa oo kaashaneysa Wasaaradaha kale ee dowladda ay socdaallo ku tagi doonto gobollada dalka si loo taabageliyo waxa dalku hiigsanayo.

Wasiiru waxa uu yiri “Waxa aan aaminsanahay Soomaali oo mid ah, waxaanan ilaalinayaa midnimada, wadajirka iyo madax banaanida dalka Soomaaliya, waxaanan daafacayaa xaqqa muwaadinka Soomaaliyeed ha noqdo mid ku dhiban xabsi ama mid qaxooti ah”.

Waxa kale oo uu yiri “ Waxa aan ku shaqeyn doonaa xushmad, dulqaad iyo wadatashi”.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa u mahadceliyay shakhsiyaadka ka shaqeeyay bedqabka dukumintiyada Wasaaradda iyo dhismaha Wasaaradda mudadii qaran burburka dalku ku jiray.

Wasiirku waxa uu ballanqaaday inuu sare u qaadayo heybadda iyo milgaha magaca Soomaaliyeed, isaga oo xusay in qof waliba oo shisheeye ah oo dalka soo gala uu noqon doono mid soo mara jihada rasmiga ah ee dowladda oo ah Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, isagoo caddeeyay in Wasaaraddiisu ay sixi doonto xiriirka dibadda, kana hortagi doonto in laga tallaabo marinka diblomaasiyadeed ee dalku leeyahay.

Danjire, Yuusuf Garaad Cumar, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa uu boggaadiyay howlihii ay qabteen 21 Wasiir oo isaga shaqada kaga horeysay, isagoo sheegay in maqaam sare ay gaarsiiyeen maamuuska dowladnimo ee Soomaaliya.

Mar uu ka hadlayay xaaladda Safaaradaha iyo Qunsuliyadaha guud ee dalku ku leeyahay dibadda ayaa waxa uu sheegay inuu isbadal iyo dib u habeyn ku sameyn doono, hagaajin doonana culeysyada dhaqaalle, taasi badalkeedana uu ku dhaqaaqi doono inuu qiimeyn ku sameeyo Safiirada iyo diblomaasiyiinta howlgala, una howlgeli doono tayeyntooda , si loo helo diblomaasiyiin kooban oo matali kara dalka, gudan kara waajibaadka loo igmaday, kuna shaqeeya awaamirta iyo tallooyinka Wasaaradda, kana tarjumi kara dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Wasiir Yuusuf Garaad Cumar waxa uu yiri “ Aniga oo og yididiilada Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ay ka qabaan Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, waxaa hubaal ah inaan tayeyn doono Safaaradaha si loo helo diblomaasiyiin lagu kalsoon yahay howl-gudashadooda”.

Wasiirku waxa uu yiri “ Wasaaradda uma dulqaadan doonto diblomaasi kasta oo ka dib dhaca gudashada waajibaadka ka saaran qaranka, uma dulqaadan doonno sidoo kale diblomaasi kasta oo aan daacad u aheyn dalka, waxaan ku shaqeyn doonnaa hufnaan iyo shuruucda kala duwan ee Wasaaradda u degsan”.

Gebagabadii, waxaa xafladda ka hadlay Ra’iisul wasaare kuxigeeenka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Mahdi Axmed Guuleed, oo sheegay in Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Wasiiru dowlaha iyo Kuxigeenka ay ku hareereysan yihiin rug cadaa diblomaasiyiin ah iyo aqoonyahanno, lana filan karo in guullo wax ku ool ah ay gaaraan.

Ra’iisul wasaare kuxigeenka ayaa ka hadlay qiimaha nabadda ay u leedahay dadka Soomaaliyeed, isaga oo sheegay in Istiraatiijiyadda Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ay diiradda saareyso nabad iyo nolol.

Xafladda oo dukumintiyo uu kula wareegay Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Amb. Yusuf Garaad Omar ayaa ku dhammaatay jawi guul ah.

Previous Post

Wasiirka wasaaradda Owqaafta iyo Arimaha Diinta oo xilka la wareegay-Sawirro

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho.

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho.

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In