Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka ee Xukumadda Soomaaliya Mudane C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa iyo wafdi uu hogaminayo oo maanta galinkii dambe gaaray magaalada Cadaado ee xaruunta mamulka Ximan iyo Xeeb, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha si weyn ugu soo dhaweyey xubno ka tirsan dowladda, kan maamulka Ximin iyo Xeeb, dadwayne ku labisnaa calanka Jamuuriyadda Soomaaliya iyo ergada ka qayb galaysa shirka maamul u samaynta Mudug iyo Galgaduud.
Wasiirka ayaa mid mid u gacan qaaday dadkii soo dhawayntiisa ka qayb galay, waxaana ujeedda safarka maanta uu ku tegay magaladda Cadaado ay ku qotontay sidii loo dardar gali lahaa hawlaha maamul samaynta Gobollada Mudug iyo Galgaduud.
Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaaa ayaa kulamo la qaatay Madaxwaynaha Galmudug Cabdi Xasan Cawaale iyo Madaxwaynaha Ximan iyo Xeeb C/laahi Cali Maxamed, waxaana markii uu kulanka soo idlaaday kaddib ay si wada jir ah saxaafadda ula hadleen.
Madaxweynaha mamulka Ximin iyo Xeeb Cabdullahi Maxamed Baarleex oo ugu horayn ka hadalay shirka jaraa’id ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in magalada Cadaado uu soo gaaro Wasiirka arriamah gudaha iyo Federalka Soomaaliya.
Cabdi Xasan Cawaali Qaybdiid Madaxweynaha mamulka Galmudug ahna musharax u tagan qabashada xilka Madaxtinimo ee mamulka la doonayo in loo sameeyo Galgaduud iyo Mudug ayaa xusay in bulshada goboladaasi ku dhaqan ay ahmiyad weyn ugu fadhiso in ay sameystaan maamul loo dhanyahay.
Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Fedealka ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/raxmaan Maxamed Xuseen Owdaa ayaa sheegay in Wasaaradda Arrimaha gudaha ay xoogga saarayso sidii loo hirgalin lahaa dhismaha maamulka Mudug iyo Galgaduud.