Friday, April 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Guddoomiyaha Gobalka Banaadir oo hortegay Guddiga Amniga

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Guddoomiyaha Gobalka Banaadir oo hortegay Guddiga Amniga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga arrimaha gudaha, amniga iyo maamul goboleedyada ee Golaha Shacabka baarlamaanka Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa kulan su’aalo weydiin ah xafiiskiisa Villa Hargeysa kula qaatay Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) iyo guddoomiyaha gobolka banaadir Ahna duqa Magaaladda Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) waxaana kulanka shir guddoomineysay guddoomiyaha guddiga Xildhibaan Fowsiya Maxamed Sheekh.

Ugu horeyn Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha ,Fedaraalka iyo dib U heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa Magaaladda Muqdisho ayaa guddiga warbixin ka siiyay shaqooyinka Wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka gobolka banaadir iyo sidoo kale qorshayaasha u degsan.

Related posts

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

April 3, 2026
Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

April 3, 2026

Intaasi kadib xubnaha guddiga ayaa Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya iyo guddoomiyaha gobolka banaadir weydiiyay su’aalo ku saabsan shaqooyinka Wasaaradda iyo maamulka gobolka banaadir ay shacabka Soomaaliyeed u hayaan oo ay ka mid yihiin xaaladda amaanka ee dalka gaar ahaan dhacdoiyinkii ugu dambeeyay ee Magaalada Muqdisho ka dhacay oo ay ka mid tahay weerarkii khawaariijta ku qaadeen xeebta Liido.

Dhinaca kale Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya iyo Duqa Magaalada Muqdisho ayaa ka jawaabay su’aalo uu guddiga weydiiyay,waxa ayna sheegeen in ay dardar gelin doonaan shaqada ay Qaranka u hayaan.

Ugu dambeyn guddoomiyaha guddiga arrimaha gudaha ,amniga iyo maamul goboleedyada ee golaha shacabka Xildhibaan Fowsiya Maxamed Sheekh oo kulanka soo xirtay ayaa u mahadcelisay Wasiirka arrimaha gudaha iyo guddoomiyaha Gobolka Banaadir, waxa ayna sheegtay in kulankan uu ka mid yahay isla xisaabtan uu guddiga la yeelanayo hay’adaha kor joogteyntoodu uu leeyahay kulamada kor joogeynta ahna sii socon doonaan.

 

 




Previous Post

Danjire Jabriil oo qaabilay Danjire James Swan

Next Post

Ciidanka NISA oo gacanta ku dhigay dhagarqabayaal ka tirsan Khawaarijta

Next Post
NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka NISA oo gacanta ku dhigay dhagarqabayaal ka tirsan Khawaarijta

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

April 3, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Mudane Mahad Maxamed Salaad ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo muhiim...

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

April 3, 2026
0

Xubno ka socday Maamulka Safaaradda Soomaaliyaee  Kenya ayaa ka qeybgalay xaflad isbarasho oo ay soo qabanqaabiyeen ardyda Soomaalida ee wax...

Taliye Shuute “Sharcigu ma yaqaanno kan waa muxaafad iyo kan waa mucaarad”

Taliye Shuute “Sharcigu ma yaqaanno kan waa muxaafad iyo kan waa mucaarad”

April 3, 2026
0

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida Mudane Xasan Cali Nuur Shuute ayaa Kulan looga hadlaayey sugidda amniga Magaalada Beydhabo la qaatay...

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
0

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Siyaat, iyo Mardiya Abdi Mohamed oo kamid...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In