Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Guddoomiyaha Gobalka Banaadir oo hortegay Guddiga Amniga

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Guddoomiyaha Gobalka Banaadir oo hortegay Guddiga Amniga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga arrimaha gudaha, amniga iyo maamul goboleedyada ee Golaha Shacabka baarlamaanka Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa kulan su’aalo weydiin ah xafiiskiisa Villa Hargeysa kula qaatay Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) iyo guddoomiyaha gobolka banaadir Ahna duqa Magaaladda Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) waxaana kulanka shir guddoomineysay guddoomiyaha guddiga Xildhibaan Fowsiya Maxamed Sheekh.

Ugu horeyn Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha ,Fedaraalka iyo dib U heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa Magaaladda Muqdisho ayaa guddiga warbixin ka siiyay shaqooyinka Wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka gobolka banaadir iyo sidoo kale qorshayaasha u degsan.

Related posts

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

February 1, 2026

Intaasi kadib xubnaha guddiga ayaa Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya iyo guddoomiyaha gobolka banaadir weydiiyay su’aalo ku saabsan shaqooyinka Wasaaradda iyo maamulka gobolka banaadir ay shacabka Soomaaliyeed u hayaan oo ay ka mid yihiin xaaladda amaanka ee dalka gaar ahaan dhacdoiyinkii ugu dambeeyay ee Magaalada Muqdisho ka dhacay oo ay ka mid tahay weerarkii khawaariijta ku qaadeen xeebta Liido.

Dhinaca kale Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya iyo Duqa Magaalada Muqdisho ayaa ka jawaabay su’aalo uu guddiga weydiiyay,waxa ayna sheegeen in ay dardar gelin doonaan shaqada ay Qaranka u hayaan.

Ugu dambeyn guddoomiyaha guddiga arrimaha gudaha ,amniga iyo maamul goboleedyada ee golaha shacabka Xildhibaan Fowsiya Maxamed Sheekh oo kulanka soo xirtay ayaa u mahadcelisay Wasiirka arrimaha gudaha iyo guddoomiyaha Gobolka Banaadir, waxa ayna sheegtay in kulankan uu ka mid yahay isla xisaabtan uu guddiga la yeelanayo hay’adaha kor joogteyntoodu uu leeyahay kulamada kor joogeynta ahna sii socon doonaan.

 

 




Previous Post

Danjire Jabriil oo qaabilay Danjire James Swan

Next Post

Ciidanka NISA oo gacanta ku dhigay dhagarqabayaal ka tirsan Khawaarijta

Next Post
NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka NISA oo gacanta ku dhigay dhagarqabayaal ka tirsan Khawaarijta

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Hodan, ayaa xiray Mahad Maxamuud Xamarow (Garyaqaan), kaas oo lagu eedeeyay kicin...

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Howlgalka Seefta Aamusan ayaa suurta geliyay in Khawaarijta Al-shabaab looga saaro deegaanno badan muhiin oo ka tirsan gobollada Dalka....

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Somalia Reaffirms Economic Diplomacy at India-Arab Summit

January 31, 2026
0

H.E. Abdisalam Ali, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, today participated in the...

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta ka qeyb galay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In