Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Caabud-waaq ka furay kulan nabadeed oo lagu dhamaynayo Colaaddii Kaxandhaale “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Caabud-waaq ka furay kulan nabadeed oo lagu dhamaynayo Colaaddii Kaxandhaale “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Magaalada Caabuud-waaq ee gobaka Gal-guduud waxaa maaanta gaaray wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Cabdi Maxamed Sabriye iyo wafdiga Nabadeed ee uu hoggaaminayo oo ay wehliyaan odayaasha Galinsoor iyo Cadaado, waxaana halkaas ku soo dhaweeyay waxgaradka Caabuud-waaq oo uga hor tegay magaalada bannaankeeda.

 

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Soo dhawaaynta wafdiga kadib, odayaasha ka kala socda Caaabuud-waaq, Galinsoor, Cadaado iyo wafdiga Nabadeed ee wasiir Sabriye ayaa tegay duleedka Caabuud-waaq oo la dhigay gogosha nabadda ee lagu dhammaynayo colaaddii Kaxandhaale.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta xukuumadda federaalka Soomaaliya oo furay kulanka ayaa odayaasha dhaqanka ee gogosha jooga waxa uu ka codsaday in ay la yimaadaan aragti fog, tanasul iyo xushmad dheeraad ah si loo dhayo boogihii colaadda dibna looga heshiiyo wixii dhacay, looguna diyaar garoobo in laga fogaado dagaallada soo noqnoqda ee dadka iyo deegaanka dhibaatada badan ku haya.

Odayaasha dhinacyada dirirtu ka dhexeysay oo soo dhaweeyay gogosha nabadda ayaa rajeeyay in dadaallada nabadda ee ay hormuudka ka tahay dawladda Federaalka Soomaaliya ee wakiilka ay uga yihiin wafdiga wasiir Sabriye hoggaaminayo ay mira dhali doonaan, lagana gudbi doono colaadaha soo laalaabta ee mar waliba ay ku daataan dhiigga dadka walaala ah.

Wasiika arrimaha gudaha XFS oo shalay ka hadlay marti qaad ay u sameeyeen odayaasha Cadaado ayaa ballan qaaday in wafdiga uu hoggaaminayo ay ku laalaaban doonaan deeganada Gal-mudug inta laga dhammaynayo colaadaha ka jira deegaanka ee ay isku dilayaan beelaha walaalaha ah.

Wafdiga uu hoggaaminayo wasiirka arimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta XFS, Eng. Sabriye waxaa qayb ka ah Wasiiru Dowlaha Hawlaha Guud iyo Guryeynta, Ahmed Abdi Kariye (Qoor-Qoor), wasiir ku-xigeenka wasaaradda xanaanada xoolaha, xildhibaan Abdikarin Khaliif iyo taliyihii hore ee ciidanka xoogga dalka Jeneraal Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod).

Previous Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo la kulmay danjirayaasha wadamada IGAD ee fadhigoodu yahay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post

Wasaaradda Waxbarashada oo tabbabar u soo xirtay 280 Macalin “SAWIRRO”

Next Post
Wasaaradda Waxbarashada oo tabbabar u soo xirtay 280 Macalin “SAWIRRO”

Wasaaradda Waxbarashada oo tabbabar u soo xirtay 280 Macalin "SAWIRRO"

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In