Saturday, October 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka arrimaha gudaha oo daah furay cilmi baaris ku saabsan doorka bulshada

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka arrimaha gudaha oo ku baaqay in gurmad loo sameeyo dadkii ka barakacay Guriceel “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa lagu daahfuray cilmbiraaris laga sameyn doono Gobolada dalka oo ku saabsan dib u dhiska dalka iyo hay’adaha Dowliga ah doorka ay bulshada ku yeelnayaan, waxaana ka qeybgalay Munaasabadaasi Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumada Somaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa), Gudoomiye ku xigeenada Gobolka Banaadir ,Wasiiro ka kala socday Maamul Goboledyada Jubbalnd, Koofur Galbeed, Galmudug, Puntland ,maamulada Shabeellaha dhexe, Hiiraan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Cilbiraasita ayaa waxaa sameyn doonta Xarunta Cilmibaarista SAHAN oo kaashaneysa bulshada rayidka ,Mamaul Goboleedyada iyo Dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye ayaa sheegay in Maamulka Gobolka uu bogaadinayo Cilmibaaristan,

Wasiiradii ka socday Mamaul Goboleedyada Dalka ee kala ah Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Jubaland Maxamed Ibraagim Warsame Darwiish, Wasiirka Madaxtooyada Koofurgalbeed Maxamed Mursal, Wasiiru dowlaha arrimaha gudaha Puntland Cali Yuusuf Jaamac, Wasiirka Warfaafinta Galmudug Maxamuud Aadan Cismaan ayaa waxa ay si isku mid ah u sheegeen inay taageersan yihiin Cilmibaarista laga sameynayo Gobolada ee ku saabsan doorka ay bulshadu ku yeelnayaan Dib u dhiska dalka, waxaana Dowlad Goboleed kasta ay balanqaaday inay caawineyso Cilmibaarayaasha.

Guddoomiyaha Guddiga Adeega Bulshada Baarlamanka Soomaaliya Xildhibaan Cismaan Maxamuud Dufle ayaa ku taliyay in Cilmibaarista aan lagu koobin oo kaliya siyaasiyiinta, isla markaana qeybaha kala duwan ee bulshada lasiiyo mudnaan gooni ah.

Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumada Somaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen “Odawaa” oo gabagabadii Munaasabdda ka hadlay ayaa u mahadceliyay Hay’adda sameyneysa Cilmibaarista la bilaabayo ee ku saabsan Doorka ay bulshada ku yeelaneyso Dib u dhiska Dalka, wuxuuna balanqaaday in Dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada si iskumid ah ay u qaadan doonan waxa kasoo baxa Cilmibaarista.

Previous Post

Taliyaha Ciidanka X.D.S “Tababarada Ciidamadu waa astaan muujinaysa Dib-u-dhiska ciidanka qalabka sida” SAWIRRO

Next Post

Baarlamaanka oo soo gabo gabeeyay ka doodista Hindise sharciyeedka maalgeshiga Shisheeye

Next Post
Kulanka Baarlamaanka oo su’aalo lagu weydiiyay wasiirka Maalliyadda

Baarlamaanka oo soo gabo gabeeyay ka doodista Hindise sharciyeedka maalgeshiga Shisheeye

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In