Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka arrimaha gudaha oo daah furay cilmi baaris ku saabsan doorka bulshada

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Wasiirka arrimaha gudaha oo ku baaqay in gurmad loo sameeyo dadkii ka barakacay Guriceel “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa lagu daahfuray cilmbiraaris laga sameyn doono Gobolada dalka oo ku saabsan dib u dhiska dalka iyo hay’adaha Dowliga ah doorka ay bulshada ku yeelnayaan, waxaana ka qeybgalay Munaasabadaasi Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumada Somaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa), Gudoomiye ku xigeenada Gobolka Banaadir ,Wasiiro ka kala socday Maamul Goboledyada Jubbalnd, Koofur Galbeed, Galmudug, Puntland ,maamulada Shabeellaha dhexe, Hiiraan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Cilbiraasita ayaa waxaa sameyn doonta Xarunta Cilmibaarista SAHAN oo kaashaneysa bulshada rayidka ,Mamaul Goboleedyada iyo Dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye ayaa sheegay in Maamulka Gobolka uu bogaadinayo Cilmibaaristan,

Wasiiradii ka socday Mamaul Goboleedyada Dalka ee kala ah Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Jubaland Maxamed Ibraagim Warsame Darwiish, Wasiirka Madaxtooyada Koofurgalbeed Maxamed Mursal, Wasiiru dowlaha arrimaha gudaha Puntland Cali Yuusuf Jaamac, Wasiirka Warfaafinta Galmudug Maxamuud Aadan Cismaan ayaa waxa ay si isku mid ah u sheegeen inay taageersan yihiin Cilmibaarista laga sameynayo Gobolada ee ku saabsan doorka ay bulshadu ku yeelnayaan Dib u dhiska dalka, waxaana Dowlad Goboleed kasta ay balanqaaday inay caawineyso Cilmibaarayaasha.

Guddoomiyaha Guddiga Adeega Bulshada Baarlamanka Soomaaliya Xildhibaan Cismaan Maxamuud Dufle ayaa ku taliyay in Cilmibaarista aan lagu koobin oo kaliya siyaasiyiinta, isla markaana qeybaha kala duwan ee bulshada lasiiyo mudnaan gooni ah.

Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumada Somaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen “Odawaa” oo gabagabadii Munaasabdda ka hadlay ayaa u mahadceliyay Hay’adda sameyneysa Cilmibaarista la bilaabayo ee ku saabsan Doorka ay bulshada ku yeelaneyso Dib u dhiska Dalka, wuxuuna balanqaaday in Dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada si iskumid ah ay u qaadan doonan waxa kasoo baxa Cilmibaarista.

Previous Post

Taliyaha Ciidanka X.D.S “Tababarada Ciidamadu waa astaan muujinaysa Dib-u-dhiska ciidanka qalabka sida” SAWIRRO

Next Post

Baarlamaanka oo soo gabo gabeeyay ka doodista Hindise sharciyeedka maalgeshiga Shisheeye

Next Post
Kulanka Baarlamaanka oo su’aalo lagu weydiiyay wasiirka Maalliyadda

Baarlamaanka oo soo gabo gabeeyay ka doodista Hindise sharciyeedka maalgeshiga Shisheeye

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In