Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane xildhibaan Cali Yuusuf (Cali Xoosh) ayaa maanta daahfuray Madasha isku duwidda Arrimaha Xasilinta Dalka.
Madashaan ayaa waxaa ka soo qayb galey Marti kala duwan oo ay ugu horeeyaan, Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedyada, Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Kumeel-gaarka ah ee SSC-Khaatumo, Ergayga gaarka ah ee Xasillinta u qaabilsan Madaxwaynaha JFS, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta XFS, Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedyada Dalka iyo masโuuliyiin kale oo heerarka Dowladda ah.
Wasiirka Arimaha Gudaha mudane Cali Yuusuf (Cali Xoosh) ayaa boggaadiyey dadaallada xasilinta ee ka socda guud ahaan dalka isaga oo sheegay in loo midoobo sidii looga wada shaqayn lahaa xasillinta Goobaha Khawaarijta laga xoreeyay wuxuuna sheegay inay ka socto hawl baaxad leh oo u baahan midnimo iyo in laga wada shaqeeyo mira dhalkeeda.
Madashan ayaa ah iskuduwidda arrimaha xasilinta dalka iyo sidii loogu diyaar garoobi lahaa Kulan waynaha iskuduwidda xasilinta dalka.