Saturday, October 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo furay shir looga hadlayo Hannaanka Qaran ee dib u heshiisiinta ”Sawirro”

admin by admin
9 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankan Wadatashiga waxa ka qeyb galaya masuuliyin ka socota dowlad goboleedyada, Qubaro, Hey’adaha ka shaqeeya dib u heshiisiinta iyo Beesha Caalamka

Wasiirka Arimaha Gudaha, federaalka iyo dib u Hushiisinta Soomaaliya ayaa furay kulankan waxaana Ka qeyb galayaasha loo qeybiyay koox koox si ay uga tala bixiyaan Hannaanka Dib  u heshiisiinta dalka.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026

Wasiirka Arimaha Gudaha, federaalka iyo dib u Hushiisinta Xukuumada Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa Furitaan shirka kadib waxa uu warbaahinta Qaranka u sheegay in Wasaaradu ay doonayso in aragtiyada hannaanka dib u heshiisinta dalka in ay meel  isugu geyso si loogu gudbo waxqabad

‘’ Markaan waxaan isku dayaynay inaan aruurino aara’dii ka soo baxday shirarkii hore sidii hore loogu wadi lahaa oo shirarka iyo mowduucyada laga hadlay la isugu uruurin lahaa meel wixii ka dambeeya looga gudbi karo waxqabad, shirkan waxa uu soconaya Maanta iyo Berri dad badan oo qubaro ah ayaa ka soo qeyb galay oo ka hadli doono waxbadan’’ sidaas waxa yiri Wasiir Sabriye

Ergayga Qaramada midoobay u qaabilsan  Soomaaliya Meykal Keatiing waxa uu bogaadiyay dadaalada Wasaaradda Arimaha Gudahe Soomaaliya  ee dib u heshiisiinta iyo sida ay uga go’an tahay dowladda federaalka xalka u helista Khilaadyada taagan.

‘’ Warka wanaagsan waxa uu yahay sida ay idinka go’an tahay dib u heshiisinta , sida ay uga go’an tahay dowladda Federaalka inay la shaqayso dhinacyada qeybta ka ah si loo sameeyo qorshe howleed lagu wajaho caqabada jira oo lagu daray go’aanada siyaasiga ah ee lagu xalinayo khilaafaadka waa weyn waxaana u malaynaya taariihdii Dhuusamareeb iyo hormarka Nadaba Gaalkacyo iyo kuwa kalaba ay yihiin Tusaalooyin’’ Ayuu yiri MikaEgayga Qaramada Midoobay Amb  Keating.

Wasiir ku xigeenka Arimaha Gudaha Jubbaland Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen oo ka mid ah masuuliyiinta dowlad goboleedyada ee shirkan ka qeyb galaya waxaa uu tilmaamay in  uu mid muhiim oo ku soo aaday waqti wanaagsan

Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisinta Soomaaliya ayaa dadaal badan ku bixinaysa sidii loo heli lahaa Hannaan dib u heshiisin Qaran oo loo dhan yahay si xal looga gaaro khilaafaadka heerarkiisa kala duwan ee dalka ka jira

Cabdishakuur Cali Axmed.

Previous Post

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo kulan wadatashi ah la yeelatay Maamulka Gobolka Banaadir”Sawirro

Next Post

Kenya oo mamnuucday ka ganacsiga Dhuxusha

Next Post
Kenya oo mamnuucday ka ganacsiga Dhuxusha

Kenya oo mamnuucday ka ganacsiga Dhuxusha

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran ayaa gaaray magaalada Al-Calamayn ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar....

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026
0

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Galmudug, oo kaashanaysa Ciidanka Difaaca Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, ayaa hawlgal kormeer iyo...

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In