Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha gudaha oo furay wajiga labaad ee shirka Guddiga qaran ee haggida dad-dhigista 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha gudaha oo furay wajiga labaad ee shirka Guddiga qaran ee haggida dad-dhigista 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi, ayaa maanta ku daah fuaray Caasimadda Muqdisho Shirweynaha 2-aad ee Guddiga qaran ee haggida dad dhigista iyo dhacdooyinka muhiimka ah isaga oo kelmaddiisa kusoo qaatay ahmiyadda shirka, guddiga, arrimaha qabsoomay, qorsheyaasha iyo arrimo kale.

“Shirweynaha 2-aad ee Guddiga qaran ee haggida dad dhigista iyo dhacdooyinka muhiimka ah ayaa u jeedkiisu ahaa soojeedin howlaha qabsoomay iyo kuwa la qorsheynayo sanadka soo socda, kaas oo ah hirgelinta adeeg dad dhigis, oo sharciyad leh, oo la isku halayn karo” ayaa ka mid ahaa erayada Wasiirka.

Related posts

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026

Mudane Axmed Macallim Fiqi oo sii hadlaya waxaa uu isdul istaagay ahmiyadda guddiga, isaga oo dhiirigeliyay in la xoojiyo wadashaqeynta iyo dadaallada kelkeli iyo midka wadajirka ah isaga oo yiri “ Guddigaan, oo ah guddi xubnihiisu isku dhafan yihiin kuwaas oo metela heer Dowladd Federaalka iyo dowlad goboleedyada, ayaa ah midka ay ku xiran tahay xilgudashadiisa guulaysiga ama guuldarraysiga adeegga dad-dhigidda. Sababta sidaas aan u leeyahay ayaa ah in xubin kasta oo Guddigaan ka mid ah ay hoggaamiso Wasaarad ama hay’ad xiriir toos ah la leh adeegga dad-dhigidda. Sidaa daraaddeed, waxaan si xurmad leh kaga codsanayaa xubnaha Guddiga in aan xoojinno dadaalkeena, ha noqdo mid keli keli ah ama si wadajir ahba, ku aaddan ka miradhalinta dib-u-hirgelinta adeegga dad-dhigidda.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallin Fiqi waxaa uu ku booriyay hey’adaha caalamiga oo horay taageero uga soo qaatay barnaamijkan in ay sii wadaan shaqada.

Previous Post

Madixii Baadda Argagixisada uga wakiil ka ahaa deegaana ka tirsan Galmudug & Xukunkiisa

Next Post

Ra’iisul Wasaare Xamse oo si diirran loogu soo dhaweeyey Magaalada Kismaayo 

Next Post
Ra’iisul Wasaare Xamse oo si diirran loogu soo dhaweeyey Magaalada Kismaayo 

Ra'iisul Wasaare Xamse oo si diirran loogu soo dhaweeyey Magaalada Kismaayo 

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In