Thursday, January 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha gudaha oo kormeeray hoolka loogu talagalay shirka Maamul u sameynta G/Dhexe

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha gudaha oo kormeeray hoolka loogu talagalay shirka Maamul u sameynta G/Dhexe
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) oo ku sugan magaalada Cadaado ee Gobalka Galgaduud ayaa kormeer uu ugu kuur galayey xaaladda amni ku tegay qeybo ka mid ah magaalada Cadaado.

Wasiirka oo uu wehliyo Madaxweynaha Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa kormeeray xarunta loogu talagalay in lagu qabto shirka maamul u sameynta Gobollada Mudug iyo Galgaduud iyo meelo kale oo ka mid ah magaalada Cadaado.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026

Madaxweynaha Maamulka Ximan iyo Xeeb Cabdullaahi Cali Maxamed Baarleex ayaa Wasiirka uga warbixiyay xarunta oo uu sheegay intahay qeyb ka mid ah halka loogu talagalay in ay ku shiraan ergada ka qeyb qaadaneysa dhismaha maamulka Gobollada dhexe ee dalka.

“Xarunta aad arkeyso Wasiir waxa ay ka koobantahay labo hool, Masjid lagu cibaadeysto, goobo ay dadku ku shaahiyeyn karaan iyo mid kale oo ay ku jimicsan karaan, sida garoonka kubadda cagta lagu cayaaro,  dadka deegaanka ayaa isku howlay in Walaalahood ay wax la qeybsadaan oo ay ka shaqeeyaan dhismaha Maamulka, ,” ayuu yiri Cabdullaahi Baarleex.

Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) ayaa tilmaamay in xarunta ay tahay mid si weyn looga shaqeeyay in ergooyinka ay degaan, isla markaana shirka lagu qabto.

“Waxaa ii suura gashay in aan kormeer ku sameeyo goobaha ay ergadu degayaan, Hoeteelada laga hirgeliyay magaalada iyo xarunta shirka loogu talagalay in lagu qabto, runtii halkaan diyaar garow fiican ayaa iiga muuqda, sidoo kale waxaa halkaan laga hirgeliyay goobo loogu talagalay in lagu xaliyo khilaafaadyada, inta uu shirka socdo” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha gudaha.

Wasiirka waxa uu sidoo kale kormeeray goobaha ganacsiga ee magaalada, halkaasi oo uu ka dukaameystay, isagoo mid mid u xogwareystay xaaladaha amni iyo tan ganacsi ee ka jirta magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

 

??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ???????????????????????????????

Sawir Qaade:-Maxamuud Cabdi Diirshe 

 

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Akhriso: Maamulka Gobolka Banaadir oo beeniyay warbixin ay Qaramada Midoobay ka diyaarisay barakacayaasha

Next Post

Akhriso: Maamulka Gobolka Banaadir oo beeniyay warbixin ay Qaramada Midoobay ka diyaarisay barakacayaasha

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa Hoygiisa ku qaabilay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir...

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026
0

Waxaa maanta kulankoodii ugu horreeyey yeeshay labadii guddi farsamo ee kala matalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed....

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

January 28, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali, ayaa kulan la qaatay...

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

January 28, 2026
0

Muqdisho, Arbaco, 28 Jannaayo 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In