Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka arrimaha gudaha oo kulamo Cadaado kula yeelanaya Ergooyinka shirka ka qeyb galaya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
12 years ago
in Wararka
0
Wasiirka arrimaha gudaha: Waxaan aamminsannahay inaan wada hadli karno Soomaaliland
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo  Guddiga farsamo ee maamul u sameynta Gobollada Mudug iyo Galgaduud ayaa magaalada Cadaado kulamo gaar gaar ah kula qaadanaya ergooyinka ka qeyb-galaya shirka maamul u sameynta gobolladaasi.

Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka ee xukuumadda Soomaaliya iyo xubno ka tirsan guddiga farsamada ayaa maanta kulanka ay la qaadanayaan ergooyinka waxa uu ku saabsanyahay sidii loo nidaamin lahaa howlaha horyaalla ergooyinka, isla markaana ay guddiga fursad u helaan inay xoojiyaan la shaqeynta kala dhexeyso Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo kan ergooyinka.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Sidoo kale Ergooyinka ayaa dhankooda qaadanaya kulamo gaar gaar ah, kaasi oo ku saabsan dar dargelinta howlaha laga rabo, waxaana tani ay qeyb ka tahay dadaallada ku aadan sidii loo dar dargelin lahaa shirka Maamul u sameynta Gobollada Mudug iyo Galgaduud oo dhawaan halkaasi ka furmay.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka Maxamuud Cabdi Diirshe oo ku sugan madasha shirka ayaa soo sheegaya in shirarka gaar gaarka ah looga gol’leeyahay sidii guddiga farsamada iyo ergooyinka ka qeyb galaya shirka uu u dhex mari lahaa is faham wada shaqeyn ah.

Previous Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post

Madaxweynaha oo ka qeybgalaya Shir Madaxeed dhinaca amniga la xiriirra

Next Post
Madaxweynaha oo ka qeybgalaya Shir Madaxeed dhinaca amniga la xiriirra

Madaxweynaha oo ka qeybgalaya Shir Madaxeed dhinaca amniga la xiriirra

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In