Wasiirka arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Mudane Axmed Macallim Fiqi oo ku sugan Hiiraan, bartamaha Soomaaliya, ayaa kulan gaar ah la yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada deegaanka ee Magaalada Buuloburde.
Mudane Wasiir Axmed Fiqi oo goobta ka hadlay ayaa Yiri ” Waxaan halkaan u soo gaarnay Buulaburde aniga iyo wafuuda ila socdaan oo garaayay ilaa 4 Hay’ad oo kala ah USAID, NIS Foundation, ERI iyo IOM, Injineerro iyo Saraakiil kale, Waxaa diyaar u nahay inaan caawino dadka, sida ugu dhaqsaha badanna loo dhisi doono buundada”.
Safarka, ayaa waxaa uu ujeedkiisu yahay u kuurgelidda xaaladda dadka deegaanka, arrimamaha dib u xorreynta, qiimeynta iyo dhismaha buundada ay shabaab qarxiyeen, Barnaamijyada xasillinta iyo arrimo kale.
Wafdiga, ayaa sidoo kale kulammo la yeeshay Saraakiisha Amniga ee ka socdo ATMIS, Ciidanka Xoogaa dalka, Booliiska iyo maamulka degmada.