Munaasabadan oo ay soo qaban qaabiyeen guddiga farsamada maamul u samaynta Mudug iyo Galgaduud ayaa waxaa ka qayb galay Wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/raxmaan Maxamed Xuseen “Odawaa”, Wasiir dowlaha Madaxtooyada Mahad Salaad, madax ka tirsan maamulada Galmudug iyo Ximan iyo Xeeb, musharixiin, Ergada la soo xulay iyo marti sharaf kale ayaa xalay lagu qabtay xarunta Kafaalo ee magaalada Cadaado.
Xaliimo Ismaaciil Ibraahim Guddoomiyaha Guddiga Farsamada ayaa ugu horayn ka hadashay muhiimadda munaasabadan.
“Waa munaasabad aan ugu talagalnay isdhexgalka bulshada, Ergooyinka oo gaaraya 300 oo qof iyo odayaasha meeshii ay isku arkeen waaye, waxaan u samaynay wacyigalin, madaxdu inay ka soo qayb qaadato oo ay is arkaan, musharixiinta in la siiyo fursad ay ra’yigooda ku soo jeedin karaan” ayay tiri Xaliimo Yarey.
Madaxwayne ku-xigeenka Ximan iyo Xeeb Korneel Cabdi Maxamed Suldaan Axmed-nuur ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay xil weyn iska saarayaan sidii uu ku guulaysan lahaa shirka Cadaado, isagoo soo jeediyay in ciidamada ammaanka lala shaqeeyo.
Madaxwaynaha Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid ayaa isna halkaas ka sheegay in shaqooyin badan la soo qabtay inta dhimana loo baahanyahay in wada jir iyo iskaashi lagu suuragaliyo.
Qaar ka mid ah aqoonyahanadii kulanka ka soo qayb galay ayaa Ergada la soo xulay kula dardaarmay inay si qoto dheer kaga fikiraan go’aanada horyaala.
Ugu dambayn waxaa munaasabadda soo xiray Wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka xukuumadda Soomaaliya Mudane C/raxmaan Maxamed, waxaana uu si rasmi ah u sheegay in shirka wajigisa 2-aad uu furmayo maalinta Axadda ah, markaas oo la guda galayo qaybaha ugu muhiimsan shirka.