Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa maanta socdaal shaqo ku gaaray magaalada Kismaayo, oo ah Caasimadda KMG ah ee dowlad goboleedka Jubbaland.
Mudane Wasiir Xoosh, waxaa soo dhoweyn ugu sameeyey gegida diyaaradaha ee magaalada Wasiirro iyo Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan maamulka Jubbaland oo uu ugu horreeyo wasiirka arrimaha gudaha iyo guu ahaan qeybaha kala duwan bulshada Jubbaland, isaga oo inta uu deegaannadaasi jooga la kulmi doona madaxda Jubbaland iyo qeybaha bulshada.