Tuesday, November 18, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo UNHCR Hordhigay Qorshaha Dowladda Ee La Xiriirta Arrimaha Barakacayaasha

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo UNHCR Hordhigay Qorshaha Dowladda Ee La Xiriirta Arrimaha Barakacayaasha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macalim Fiqi ayaa maanta waxaa uu magaalada Geneva, ee dalkaasi Switzerland uga qeyb galay Kalfadhiga 73-aad ee guddiga fulinta ee Hey’adda Qaxootiga Adduunka.

Kulanka oo ay Wasiir Fiqi ku wehlisay ka qeybgalkiisa Amb. Ebyan Maxamed Saalax oo ah safiirka soomaaliya ee dalka Switzerland ayaa khudbad dhinacyo badan taabaneysay oo uu wasiir Fiqi ka jeediyey kulanka waxaa uu hey’adda iyo beesha caalamkaba uga mahadcelinaya dadaallada ay ku taageeraan Soomaaliya ee sidii xalwaara loogu heli lahaa kuwa dhibaateysan iyo qaxootiga.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo furay Shirweynaha Labaad ee Qiimeynta iyo Kormeerka Qaran

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo furay Shirweynaha Labaad ee Qiimeynta iyo Kormeerka Qaran

November 18, 2025
Soomaaliya oo soo dhawaysay heshiiska ay Doxa ku gaareen Kongada dimoqraadiga ah iyo jabhadda M23

Soomaaliya oo soo dhawaysay heshiiska ay Doxa ku gaareen Kongada dimoqraadiga ah iyo jabhadda M23

November 18, 2025

Wasiir Axmed Macallim Fiqi waxaa uu guddiga hordhigay xaaladda guud ee dalka, isaga oo sheegay in August 31, 2022 wixii ka dambeeyey uu taagnaa walaaca dowladda federaalka iyo hey’adda qaxootiga adduunkaba ee ah dhibaato saameysay dad gaaraya ilaa 3.1 milyan, oo isugu jira barakacayaal, kuwa dalka dib ugu soo noqday, qaar magangaliyodoon ah iyo qaxootiba.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaaliya oo sii hadlaya waxaa uu yiri “Soomaaliya waxaa ay ka mid tahay saxiixeyaasha baaqii Nairobi ee 2017kii oo qorshe,  xal waara iyo wadashaqeyn wax ku ool ah IGAD lagala shaqeynayo sidii loo xalwaara oo horumar ah looga gaari lahaa qaxootiga gobolka, oo ay ku jiraan in la abuuro xaalado ay dib ugu noqon karaan”.

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta waxaa uu khudbaddiisa ku faahfaahiyey sida dowladda federaalka ah uga go’antahay meelmarinta shuruuc kala duwan sida diyaarinta socota ee sharciga qaxootiga iyo midka barakacayaasha, istaraatiijiyadda qaran ee xalwaara (2020-2024) ee loogu talogalay wax kaqabashada arrimaha qaxootiga, barakacayaasha iyo kuwa soo laabta, istaraatiijiyad la xiriirta xal u helidda dadka jinsiyad la’aanta wajahaya iyo istaraatiijiyadda hey’adda qaxootiga ee diiwaangelinta iyo barakacayaasha, taasi oo wax badan ka qaban doonta ilaalinta xuquuqda dadkaasi, iyada oo Muqdisho keliya ay joogaan ilaa 90,000, iyada oo uu socdo qorshe ay dowladda kusoo rareyso dadka dhibaatada aadka ah qaba.

Ugu dambeyntii, wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi waxaa uu guddiga hortiisa ka sameeyey ballanqaad, kaas oo ilaa saddex qodob ahaa.

(1). Ansixinta Shuruucda Maxaliga iyo dowliga ah sida in ay dowladda federaalka ah ay ballanqaadeyso dhagangelinta xeerka qaxootiga December 31, 2022 iyo xeerka barakacayaasha Soomaaliya December 2023 iyo qorshe howleedka lagu soo afjarayo dowlad la’aanta ee heshiiska dowlad la’aanta ee 1954 iyo 1961 ilaa December 31, 2023.

(2). Hirgelinta qorshaha qaran ee xalka waara ee 2020-2024, oo si buuxda ula jaanqaada heshiiska caalamiga ah ee qaxootiga, fududeynta howlaha qaxootiga si ikhtiyaar ah dib ugu laabta dalka, waxaa ay dowladda dalbaneysaa in si xilwaara looga gaaro barakicinta ay beesha caalamka taageerto istiraatiijiyadda qaran ee xalka waara.

(3). In la xoojiyo dadaaladda nabadda, xasillinta iyo dib u heshiisiinta, iyo in dowladda cusub ay ka go’antahay arrimaha amniga, dib usoo celinta sharciga iyo kala dambeynta, iyo dib u habeyn la xiriirta xagga siyaasadda iyo midda dhaqan, dhaqaale ee dalka.

Previous Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Oo Kulan La Qaatay Dhiggiisa Dalka Netherlands

Next Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Oo Booqday Xarunta Maxkamadda Dembiyada Adduunka ee ICC

Next Post
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Oo Booqday Xarunta Maxkamadda Dembiyada Adduunka ee ICC

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Oo Booqday Xarunta Maxkamadda Dembiyada Adduunka ee ICC

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo furay Shirweynaha Labaad ee Qiimeynta iyo Kormeerka Qaran

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo furay Shirweynaha Labaad ee Qiimeynta iyo Kormeerka Qaran

November 18, 2025
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa furay Shirweynaha Labaad ee Qiimeynta iyo Kormeerka Qaran, oo...

Soomaaliya oo soo dhawaysay heshiiska ay Doxa ku gaareen Kongada dimoqraadiga ah iyo jabhadda M23

Soomaaliya oo soo dhawaysay heshiiska ay Doxa ku gaareen Kongada dimoqraadiga ah iyo jabhadda M23

November 18, 2025
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhaweyneysaa saxiixa heshiiska Doha Peace Framework ee u dhexeeya Dowladda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Kongo iyo Isbahaysiga...

11 khawaarij ah oo lagu dilay howlgallo ka kala dhacay Mudug iyo Bakool

11 khawaarij ah oo lagu dilay howlgallo ka kala dhacay Mudug iyo Bakool

November 18, 2025
0

Ciidamada Macaawisleyda ee ka howlgala degmada Xarardheere ayaa xalay fuliyay howlgal si gaar ah loo qorsheeyay, kaasi oo si toos...

Shirweynaha 2-aad ee Kormeerka iyo Qiimeynta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

Shirweynaha 2-aad ee Kormeerka iyo Qiimeynta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

November 18, 2025
0

Waxaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho Shirweynaha 2-aad ee Kormeerka iyo Qiimeynta Qaranka, oo ay soo qabanqaabisay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In