Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo UNHCR Hordhigay Qorshaha Dowladda Ee La Xiriirta Arrimaha Barakacayaasha

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo UNHCR Hordhigay Qorshaha Dowladda Ee La Xiriirta Arrimaha Barakacayaasha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macalim Fiqi ayaa maanta waxaa uu magaalada Geneva, ee dalkaasi Switzerland uga qeyb galay Kalfadhiga 73-aad ee guddiga fulinta ee Hey’adda Qaxootiga Adduunka.

Kulanka oo ay Wasiir Fiqi ku wehlisay ka qeybgalkiisa Amb. Ebyan Maxamed Saalax oo ah safiirka soomaaliya ee dalka Switzerland ayaa khudbad dhinacyo badan taabaneysay oo uu wasiir Fiqi ka jeediyey kulanka waxaa uu hey’adda iyo beesha caalamkaba uga mahadcelinaya dadaallada ay ku taageeraan Soomaaliya ee sidii xalwaara loogu heli lahaa kuwa dhibaateysan iyo qaxootiga.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026

Wasiir Axmed Macallim Fiqi waxaa uu guddiga hordhigay xaaladda guud ee dalka, isaga oo sheegay in August 31, 2022 wixii ka dambeeyey uu taagnaa walaaca dowladda federaalka iyo hey’adda qaxootiga adduunkaba ee ah dhibaato saameysay dad gaaraya ilaa 3.1 milyan, oo isugu jira barakacayaal, kuwa dalka dib ugu soo noqday, qaar magangaliyodoon ah iyo qaxootiba.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaaliya oo sii hadlaya waxaa uu yiri β€œSoomaaliya waxaa ay ka mid tahay saxiixeyaasha baaqii Nairobi ee 2017kii oo qorshe,Β  xal waara iyo wadashaqeyn wax ku ool ah IGAD lagala shaqeynayo sidii loo xalwaara oo horumar ah looga gaari lahaa qaxootiga gobolka, oo ay ku jiraan in la abuuro xaalado ay dib ugu noqon karaan”.

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta waxaa uu khudbaddiisa ku faahfaahiyey sida dowladda federaalka ah uga go’antahay meelmarinta shuruuc kala duwan sida diyaarinta socota ee sharciga qaxootiga iyo midka barakacayaasha, istaraatiijiyadda qaran ee xalwaara (2020-2024) ee loogu talogalay wax kaqabashada arrimaha qaxootiga, barakacayaasha iyo kuwa soo laabta, istaraatiijiyad la xiriirta xal u helidda dadka jinsiyad la’aanta wajahaya iyo istaraatiijiyadda hey’adda qaxootiga ee diiwaangelinta iyo barakacayaasha, taasi oo wax badan ka qaban doonta ilaalinta xuquuqda dadkaasi, iyada oo Muqdisho keliya ay joogaan ilaa 90,000, iyada oo uu socdo qorshe ay dowladda kusoo rareyso dadka dhibaatada aadka ah qaba.

Ugu dambeyntii, wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi waxaa uu guddiga hortiisa ka sameeyey ballanqaad, kaas oo ilaa saddex qodob ahaa.

(1). Ansixinta Shuruucda Maxaliga iyo dowliga ah sida in ay dowladda federaalka ah ay ballanqaadeyso dhagangelinta xeerka qaxootiga December 31, 2022 iyo xeerka barakacayaasha Soomaaliya December 2023 iyo qorshe howleedka lagu soo afjarayo dowlad la’aanta ee heshiiska dowlad la’aanta ee 1954 iyo 1961 ilaa December 31, 2023.

(2). Hirgelinta qorshaha qaran ee xalka waara ee 2020-2024, oo si buuxda ula jaanqaada heshiiska caalamiga ah ee qaxootiga, fududeynta howlaha qaxootiga si ikhtiyaar ah dib ugu laabta dalka, waxaa ay dowladda dalbaneysaa in si xilwaara looga gaaro barakicinta ay beesha caalamka taageerto istiraatiijiyadda qaran ee xalka waara.

(3). In la xoojiyo dadaaladda nabadda, xasillinta iyo dib u heshiisiinta, iyo in dowladda cusub ay ka go’antahay arrimaha amniga, dib usoo celinta sharciga iyo kala dambeynta, iyo dib u habeyn la xiriirta xagga siyaasadda iyo midda dhaqan, dhaqaale ee dalka.

Previous Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Oo Kulan La Qaatay Dhiggiisa Dalka Netherlands

Next Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Oo Booqday Xarunta Maxkamadda Dembiyada Adduunka ee ICC

Next Post
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Oo Booqday Xarunta Maxkamadda Dembiyada Adduunka ee ICC

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Oo Booqday Xarunta Maxkamadda Dembiyada Adduunka ee ICC

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso β€œSoddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In