Tuesday, June 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wakiilka Hay’adda FCA Soomaaliya

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
4 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wakiilka Hay’adda FCA Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mududane. Axmed Macalin Fiqi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay Wakiilka Hay’adda FCA{ Financial Conduct Authority} Soomaaliya Mr. Ikali karvinen.

Wasiirka waxaa kulanka ku wehlinaayay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Mudane. Ilyas Cali Xasan iyo Wasiir ku-xigeen Wasaaradda Mudane. Amb Cabdixakin Xasan Ashkir iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane. Saciid Cabdullahi Calasow, Kulankaan, ayaa ahaa mid looga hadlayay Arrimaha Dib-u-heshiisiinta iyo Dowladaha Hoose. Kulanka oo ahaa mid shaqo, ayaa waxaa goob joog ka ahaa hawl-wadeeno ka kala socday Wasaaradda iyo Hey’adda FCA{ Financial Conduct Authority } Soomaaliya.

Related posts

Kaarka NIRA oo laga dhigayo shuruud safarrada gudaha Dalka

Kaarka NIRA oo laga dhigayo shuruud safarrada gudaha Dalka

June 30, 2026
Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarunta cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha 

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarunta cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha 

June 30, 2026

Wafdigaan ka socday Hay’adda FCA{ Financial Conduct Authority}Soomaaliya, ayaa waxaa ay tilmaameen in Wasaaradda ay kala shaqeynayaan dhisidda Golaha Deegaan ka ee Degmooyinka, Dib u heshisiinta iyo Federaalka.

Wasiir Axmed Macalin Fiqi, ayaa u mahadceliyey Wakiilka Hay,adda FCA { Financial Conduct Authority}Ikali karvinen iyo Madaxda ku wehlinaysay Socdaalkiisa, waxaana uu xusay in ay boggaadinayaan shaqada wanaagsan ee Hay’adda ay ka hayaan Soomaaliya.

Ugu dambeyn labada dhinac ay ku heshiiyay in la dadajiyo lana Fududeeyo Howlaha Baaxada leh ay Ka wada Shaqeynayaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya iyo Hay’adda FCA { Financial Conduct Authority}Soomaaliya.

Previous Post

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Oo Gaaray Magaalada Beledweyne Ee Gobolka Hiiraan

Next Post

Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Oo  Kulan La Qaatay Safiirka Mareykanka

Next Post
Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Oo  Kulan La Qaatay Safiirka Mareykanka

Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Oo  Kulan La Qaatay Safiirka Mareykanka

Kaarka NIRA oo laga dhigayo shuruud safarrada gudaha Dalka

Kaarka NIRA oo laga dhigayo shuruud safarrada gudaha Dalka

June 30, 2026
0

Hay’adda Aqoonsiga Qaranka (NIRA), oo kaashanaysa Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan wadatashi iyo wacyigelin...

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarunta cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha 

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarunta cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha 

June 30, 2026
0

Muqdisho, Juun 30, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarigga ka jaray xarunta cusub ee...

Wasiir Cali Xoosh “34 sano kadib dib ayaan gacanteena kusoo celinay Wasaaradda”. 

Wasiir Cali Xoosh “34 sano kadib dib ayaan gacanteena kusoo celinay Wasaaradda”. 

June 30, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Cali Xoosh, ayaa ka hadlay munaasabadda xarig-jarka xarunta dhexe ee Wasaaradda oo ku...

Taliyaha Hay’adda NISA oo Balanballe ka dhagax dhigay saldhig cusub oo Hay’adda ah

Taliyaha Hay’adda NISA oo Balanballe ka dhagax dhigay saldhig cusub oo Hay’adda ah

June 30, 2026
0

Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA, Mudane Mahad Maxamed Salaad, ayaa magaalada Balanballe ee gobolka Galgaduud ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In