Friday, January 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka arrimaha gudaha: Waxaan aamminsannahay inaan wada hadli karno Soomaaliland

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka arrimaha gudaha: Waxaan aamminsannahay inaan wada hadli karno Soomaaliland
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka ee dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ay ka go’an tahay xukuumadda in la sii wado wadahadallada ay kula jirto Soomaaliland si heshiis looga gaaro tabashada jirta.

Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen “Odowaa” oo  ka qeyb galayay barnaamijka kulanka toddobaadka ee ka baxa Radiyo Muqdisho ayuu sheegay in xalku uu ku jiro in la wada hadlo. “Wada hadalku mar walba waa jidka kaliya ee u furan umadda Soomaaliyeed….. Waxaan aamminsannahay inaad wada hadli karno, hal Soomaaliya ayaa jirta laakin waan kala aragti duwannahay”

Related posts

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026

Wasiirku wuxuu intaa ku daray in dowladda Soomaaliya ay aamminsan tahay in la wada hadli karo, sidaas adarteedna aan loo baahnayn in cid kale ay dhexdhexaadiso dowladda federaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland.

“Inaan wada hadalno ayaanba diyaar u nahaye dadka kale maxaa looga baahan yahay?  Su’aashaas waxay u baahan tahay jawaab. Wadahadalka marka aad diiddo ayaa waxaa la yiraahdaa qofka gogosha halla soo galiyo…… aan wada hadalno, waan ku heshiin karnaa waxa naga dhaxeeyo” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha.

Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland ayaa ku kala tagay wada hadalkii ugu dambeeyay ee ku dhex maray Istnbuul bishoo Feberaayo, kaddib markii ay Soomaaliland ku doodday in wafdiga dowladda Soomaaliya laga saaro xubno ka soo jeeda gobollada woqooyi, dowladda Soomaaliya dooddaas waxay ku tilmaantay mid aan la aqbali karin.

Previous Post

DEG DEG: Ciidammada ammaanka oo la wareegay amniga Hotelka Maka Al-Mukarama

Next Post

Dhagayso Warka Subaxnimo 28.03.2015

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhagayso Warka Subaxnimo 28.03.2015

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta gaaray New Delhi,...

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galay shir caalami ah oo lagu...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In