Saturday, March 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo golaha shacabka horgeeyay Hindise Sharciyeed muhiim ah

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo golaha shacabka horgeeyay Hindise Sharciyeed muhiim ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta horgeeyey Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya  Hindise Sharciyeedka Ilaalinta Iyo Taakulaynta Barakacayaasha.

Mudane Axmed Macallin Fiqi oo ugu horreyn u mahadceliyay guddoonka iyo Xildhibaannada Gola Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isaga oo sidoo kale akhriyay   Cutubyada iyo Qodobada uu ka koobanyahay Hinside Sharciyeedka Ilaalinta Iyo Taakulaynta Barakacayaasha.

Related posts

Maxkamadda Ciidanka qalabka sida oo dil toogasho ku xakuntay  Dable NISA Mukhtaar Shakuur

Maxkamadda Ciidanka qalabka sida oo dil toogasho ku xakuntay Dable NISA Mukhtaar Shakuur

March 14, 2026
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan mira-dhal ah la yeeshay Wakiilka QM ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan mira-dhal ah la yeeshay Wakiilka QM ee Soomaaliya

March 14, 2026

Hindise Sharcciyeedkan oo lagu magacaabo “Hindise-Sharciyeedka Sharciga Ilaalinta iyo taakulaynta Barakacayaasha ee 2023”, Wuxuu ka kooban yahay 12 Cutub iyo 30 qodob oo ku qoran 30 bog, waxaa uuna mudane Fiqi oo ka hadlayay ahmiyaddiisa ka yiri “ in Muwaadiniintaas Barakacayaasha ah;

(A). In laga ilaaliyo in ay la kumaan wax xad gudub ah ee kasoo horjeeda Xuquuqdooda asaasiga ah ee ku xusan Cutubka 2aad ee Dastuurka kmg.

(B). In laga badbaadiyo falalka danbi ay u geeysanayaan kooxaha wax ma garadka ah oo ka tirsan bulshada.

(C). In loo helo barnaamijyo iyo mashaariic lagu taakuleeyo oo noloshooda lagu horumariyo isla markaana loogu helo xal waara, sida in dib loogu nooleeyo deegaannadoodii hore ama dib u dejin loogu sameeyo goobaha ay u barakeceen iyo wixii kaleba.

(D). Iyo in Iskaashi caalami ah laga yeesho guud ahaan sidii barakacayaasha loogu heli lahaa mashaariic iyo barnaamijyo loogu sameeynaayo xal waara sida: dib u dejin, dib u deegaamayn iwm. Iyo

(E). Waxaa muhiim ah in laga hortago barakaca iyo sababaha keeni kara oo uu sharcigu si cad u tilmaamayo

Ugu Dambayn, Wasiir Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi waxaa uu Xildhibaannnada ka codsaday iyaga oo tixgelinaya duruufaha jira oo ay ka mid yihiin; baahida wayn ee Hay’adda Qaxootiga Iyo Barakacayaasha u qabto Sharci ay ku maamusho Barakacayaasha Dalka Soomaaliya, musiibooyinka, in dad la eg 3.8 Milyan oo qof ay maanta guryahooda ka barakceen, gacansiiinta loola diyaar yahay kuwa soo gurya noqonaya iyo arrmo kale in ay ka gutaan waajibaadka dastuuriga ah oo ay ansixiyaan.

Hindise Sharciyeedkan ay soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ayaa waxaa ay golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ansixiyeen 27 October 2023.












Previous Post

Maxay ka wada hadleen Guddiga Arrimaha Dibadda ee BJFS iyo Madaxda Wasaaradda Arrimaha dibadda?

Next Post

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ka dooday Hindise Sharciyeedyo la horgeeyay “SAWIRRO”

Next Post
Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ka dooday Hindise Sharciyeedyo la horgeeyay “SAWIRRO”

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ka dooday Hindise Sharciyeedyo la horgeeyay "SAWIRRO"

Maxkamadda Ciidanka qalabka sida oo dil toogasho ku xakuntay  Dable NISA Mukhtaar Shakuur

Maxkamadda Ciidanka qalabka sida oo dil toogasho ku xakuntay Dable NISA Mukhtaar Shakuur

March 14, 2026
0

Dable NISA Mukhtaar Shakuur Amiin, ayaa lagu edeeyay dilka Marxuum Fatxi Cabdullahi Cabdi oo dhacay Taariikhdu markii ay aheyd Lix...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan mira-dhal ah la yeeshay Wakiilka QM ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan mira-dhal ah la yeeshay Wakiilka QM ee Soomaaliya

March 14, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa xarunta hay’adda ku qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada...

DAAWO: Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka hadlaya abaaraha dalkeenna

DAAWO: Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka hadlaya abaaraha dalkeenna

March 14, 2026
0

Guddoomiyaha SoDMA Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle oo sheegay in dagaallada ka socda Bariga Dhexe ay kaga sii dareen xaaladdii abaarta...

Wasiir Fiqi oo la kulmay Danjiraha Dowladda Qatar ee Soomaaliya

Wasiir Fiqi oo la kulmay Danjiraha Dowladda Qatar ee Soomaaliya

March 14, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan la qaatay Danjiraha Dowladda  Qatar u fadhiya Soomaaliya,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In