Monday, October 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan Muqdisho kula qaatay hoggaamiyaha SSC 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan Muqdisho kula qaatay hoggaamiyaha SSC 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Ahmed Moallim Fiqi,ayaa maanta kulan gaar ah kula qaatay Muqdisho hoggaamiyaha SSC – Khaatumo mudane Cabdiqaadir Axmed Firdhiye oo howlo shaqo u jooga Caasimadda ummadda Soomaaliyeed.

Ugu horreyn, hoggaamiyaha SSC- Khaatumo mudane Cabdiqaadir Firdhiye oo kulanka ka hadlay ayaa ka mahadceliyay Soo dhoweynta qiimaha badan ee Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya mudane Axmed Fiqi iyo guud ahaan caasuumaadda iyo maamuuska ay Xukuumadda Federaalka ah u fidisay SSC.

Related posts

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026

Mudane Firdhiye oo sii hadlaya, ayaa warbixin ka siiyay mudane Axmed Fiqi Wasiirka arrimaha gudaha xaaladda deegaannada SSC -Khaatumo iyo raadkii dagaaladdii dhacay, isaga oo soo bandhigay in arrimaha hortabinta u leh SSC ay ka mid yihiin; Dib u heshiisiinta, maamul daadejinta, adeeg bixinta, in ay xoojiyaan ku xirnaanshiyaha Xukuumadda Federaalka ah iyo mabda’ guud ee ah ilaalinta bedqabka iyo midnimada dhul iyo umad ahaaneed ee Soomaaliya.

‘’ Dagaalku inta uu socday waxaa uu sababay barakaca 300,000 oo qof iyo burburka xarumaha bulshada loogu adeego sida; Isbitaalada, goobaha waxbarashada iyo masaajidda’’ ayuu hadalkiisa kusoo gaboganeeyay hoggaamiyaha SSC mudane Cabdiqaadir Axmed Firdhiye.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi oo fadhiga ka hadlay, ayaa xusay sida ay Wasaaraddiisa mar walba diyaar ugu tahay in ay ka caawiso arrimaha ay ka mid yihiin: Dib u heshiisiinta, maamul baahinta, xal u helidda barakaca iyo guud ahaan howlaha kale ee xiriirka la leh Wasaaradda, isaga oo intaa raaciyay in Wasaaradda Arrimaha guduhu u taagan tahay xoojinta maamulada dalka ka jira.

Previous Post

Kenya paid $17m for Somalia security mission

Next Post

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Ku-xigeenka Ergeyga Xoghayaha Guud Q.M ee Soomaaliya

Next Post
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Ku-xigeenka Ergeyga Xoghayaha Guud Q.M ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Ku-xigeenka Ergeyga Xoghayaha Guud Q.M ee Soomaaliya

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In