Friday, January 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan Muqdisho kula qaatay hoggaamiyaha SSC 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
2 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan Muqdisho kula qaatay hoggaamiyaha SSC 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Ahmed Moallim Fiqi,ayaa maanta kulan gaar ah kula qaatay Muqdisho hoggaamiyaha SSC – Khaatumo mudane Cabdiqaadir Axmed Firdhiye oo howlo shaqo u jooga Caasimadda ummadda Soomaaliyeed.

Ugu horreyn, hoggaamiyaha SSC- Khaatumo mudane Cabdiqaadir Firdhiye oo kulanka ka hadlay ayaa ka mahadceliyay Soo dhoweynta qiimaha badan ee Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya mudane Axmed Fiqi iyo guud ahaan caasuumaadda iyo maamuuska ay Xukuumadda Federaalka ah u fidisay SSC.

Related posts

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Maskaxdii Qaraxyada Khawaarijta oo lagu dilay howlgal qorsheysan

January 1, 2026
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo soo xiray shirka Machadka Heritage ee lagu qabtay Dhuusamareeb

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo soo xiray shirka Machadka Heritage ee lagu qabtay Dhuusamareeb

January 1, 2026

Mudane Firdhiye oo sii hadlaya, ayaa warbixin ka siiyay mudane Axmed Fiqi Wasiirka arrimaha gudaha xaaladda deegaannada SSC -Khaatumo iyo raadkii dagaaladdii dhacay, isaga oo soo bandhigay in arrimaha hortabinta u leh SSC ay ka mid yihiin; Dib u heshiisiinta, maamul daadejinta, adeeg bixinta, in ay xoojiyaan ku xirnaanshiyaha Xukuumadda Federaalka ah iyo mabda’ guud ee ah ilaalinta bedqabka iyo midnimada dhul iyo umad ahaaneed ee Soomaaliya.

‘’ Dagaalku inta uu socday waxaa uu sababay barakaca 300,000 oo qof iyo burburka xarumaha bulshada loogu adeego sida; Isbitaalada, goobaha waxbarashada iyo masaajidda’’ ayuu hadalkiisa kusoo gaboganeeyay hoggaamiyaha SSC mudane Cabdiqaadir Axmed Firdhiye.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi oo fadhiga ka hadlay, ayaa xusay sida ay Wasaaraddiisa mar walba diyaar ugu tahay in ay ka caawiso arrimaha ay ka mid yihiin: Dib u heshiisiinta, maamul baahinta, xal u helidda barakaca iyo guud ahaan howlaha kale ee xiriirka la leh Wasaaradda, isaga oo intaa raaciyay in Wasaaradda Arrimaha guduhu u taagan tahay xoojinta maamulada dalka ka jira.



 

Previous Post

Kenya paid $17m for Somalia security mission

Next Post

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Ku-xigeenka Ergeyga Xoghayaha Guud Q.M ee Soomaaliya

Next Post
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Ku-xigeenka Ergeyga Xoghayaha Guud Q.M ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Ku-xigeenka Ergeyga Xoghayaha Guud Q.M ee Soomaaliya

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Maskaxdii Qaraxyada Khawaarijta oo lagu dilay howlgal qorsheysan

January 1, 2026
0

Saaxiibada caalamka oo kaashanaya Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal bartilmaameed ah oo 10-kii bishii December ay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo soo xiray shirka Machadka Heritage ee lagu qabtay Dhuusamareeb

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo soo xiray shirka Machadka Heritage ee lagu qabtay Dhuusamareeb

January 1, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa soo xiray shirka Machadka Heritage ee ka socday magaalada...

Somalia Congratulates Sudan on 70th Independence Anniversary

Somalia Congratulates Sudan on 70th Independence Anniversary

January 1, 2026
0

Statement on the 70th Independence Day of the Republic of Sudan H.E. Abdisalam Abdi Ali Minister of Foreign Affairs and...

Somalia and Namibia Foreign Ministers Discuss Horn of Africa Developments

Somalia and Namibia Foreign Ministers Discuss Horn of Africa Developments

January 1, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Abdi Ali, held a telephone conversation on Wednesday with the...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In