Sunday, January 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Beeraha Galmudug oo faah faahin ka bixiyay dhibaatada Ayaxa ee deegaannada Galmudug “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Beeraha Galmudug oo faah faahin ka bixiyay dhibaatada Ayaxa ee deegaannada Galmudug “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ee dowlad goboleedka Galmudug Axmed Nuur Cismaan Xaaji ayaa sheegay in Ayaxa uu saameyn ku yeeshay beeraleyda ku nool deegaannada Galmudug, isla markaana ay sameeyeen kooxo la dagaalamaya Ayaxa iyo kuwa qiimeyn ku sameynaya meelaha ugu badan ee uu Ayaxa ku habsaday.

Wasiirka oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay inay socdaan xog uruurin iyo sahan ay ku sameynayaan deegaannada dhul beereedka ee uu Ayaxu baabi’iyay, waxaana qorsheyneynaa inaan bulshada u soo bandhigno xogta oo dhameystiran iyo qasaaraha uu Ayaxu geystay.

Related posts

Haweenka Soomaaliyeed oo bannaanbax ka dhan ah xadgudub Israa’iil ee Soomaaliya ka dhigay Muqdisho

Haweenka Soomaaliyeed oo bannaanbax ka dhan ah xadgudub Israa’iil ee Soomaaliya ka dhigay Muqdisho

January 11, 2026
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Falastiin

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Falastiin

January 11, 2026

“Safaradeena waxa ay ku wajahanyihiin u kuurgelidda iyo goobaha saxda ah ee Ayaxa u badanyahay, anagoo raadinayna xaqiiqda dhabta ah qasaaraha uu Ayaxa u geystay beeraleyda, waxaana safari cir iyo dhul ah ku tegay Gaalkacyo, Xeraale, Cadaado iyo Caabudwaaq oo aan kulamo la qaatay qeybaha bulshada, anagoo adeegsaneyna diyaaradaha qumaatiga u kaca” ayuu yiri mudane Axmed Nuur.

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ee Galmudug ayaa tilmaamay in howshan ay Wasaaradda ka saacideyso hay’adda beeraha iyo cunada u qaabilsan Qaramada Midoobay ee FAO.

Mudane Axmed Nuur Cismaan Xaaji ayaa ugu baaqay in hay’adaha samafallka ay gurmad la gaaraan dadka beerahooda uu ka baabi’iyay Ayaxa ku habsaday deegaannada Galmudug.

Previous Post

Marxuum Sheekh Cali Tuure oo lagu aasay qubuuraha boqolsoon ee degmada Yaaqshiid “SAWIRRO”

Next Post

Ciidanka Xoogga oo howl-gal ku dilay madaxi howl-galinta Al-Shabaab ee Shabeellaha Dhexe

Next Post
Ciidanka Xoogga  oo howl-gal  ku dilay madaxi howl-galinta Al-Shabaab ee Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga oo howl-gal ku dilay madaxi howl-galinta Al-Shabaab ee Shabeellaha Dhexe

Haweenka Soomaaliyeed oo bannaanbax ka dhan ah xadgudub Israa’iil ee Soomaaliya ka dhigay Muqdisho

Haweenka Soomaaliyeed oo bannaanbax ka dhan ah xadgudub Israa’iil ee Soomaaliya ka dhigay Muqdisho

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Bannaanbax ballaaran oo ay soo abaabuleen Haweenka Soomaaliyeed ayaa maanta ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho, kaas...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Falastiin

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Falastiin

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa magaalada Jeddah kulan kula yeeshay dhigiisa Marwo Dr....

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO(JEDDAH):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa caawa fiidkii magaalada Jeddah kulan kula yeeshay dhiggiisa...

Ciidamada Xaq-u-dirirka Deegaanka oo jab culus gaarsiiyay Khawaarijta

Ciidamada Xaq-u-dirirka Deegaanka oo jab culus gaarsiiyay Khawaarijta

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO(HIIRAAN):-Ciidamada Xaq-u-dirirka deegaanka ee Macawisleyda ee Gobolka Hiiraan, ayaa fuliyay howlgal ballaaran oo si weyn loogu jabiyay maleeshiyada kooxda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In