Friday, March 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Beeraha Galmudug oo faah faahin ka bixiyay dhibaatada Ayaxa ee deegaannada Galmudug “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Beeraha Galmudug oo faah faahin ka bixiyay dhibaatada Ayaxa ee deegaannada Galmudug “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ee dowlad goboleedka Galmudug Axmed Nuur Cismaan Xaaji ayaa sheegay in Ayaxa uu saameyn ku yeeshay beeraleyda ku nool deegaannada Galmudug, isla markaana ay sameeyeen kooxo la dagaalamaya Ayaxa iyo kuwa qiimeyn ku sameynaya meelaha ugu badan ee uu Ayaxa ku habsaday.

Wasiirka oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay inay socdaan xog uruurin iyo sahan ay ku sameynayaan deegaannada dhul beereedka ee uu Ayaxu baabi’iyay, waxaana qorsheyneynaa inaan bulshada u soo bandhigno xogta oo dhameystiran iyo qasaaraha uu Ayaxu geystay.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo howlo biyo dhaamin ah ka wado deegaanno hoostaga Baydhabo

Hay’adda SoDMA oo howlo biyo dhaamin ah ka wado deegaanno hoostaga Baydhabo

March 20, 2026
Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

March 20, 2026

“Safaradeena waxa ay ku wajahanyihiin u kuurgelidda iyo goobaha saxda ah ee Ayaxa u badanyahay, anagoo raadinayna xaqiiqda dhabta ah qasaaraha uu Ayaxa u geystay beeraleyda, waxaana safari cir iyo dhul ah ku tegay Gaalkacyo, Xeraale, Cadaado iyo Caabudwaaq oo aan kulamo la qaatay qeybaha bulshada, anagoo adeegsaneyna diyaaradaha qumaatiga u kaca” ayuu yiri mudane Axmed Nuur.

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ee Galmudug ayaa tilmaamay in howshan ay Wasaaradda ka saacideyso hay’adda beeraha iyo cunada u qaabilsan Qaramada Midoobay ee FAO.

Mudane Axmed Nuur Cismaan Xaaji ayaa ugu baaqay in hay’adaha samafallka ay gurmad la gaaraan dadka beerahooda uu ka baabi’iyay Ayaxa ku habsaday deegaannada Galmudug.

Previous Post

Marxuum Sheekh Cali Tuure oo lagu aasay qubuuraha boqolsoon ee degmada Yaaqshiid “SAWIRRO”

Next Post

Ciidanka Xoogga oo howl-gal ku dilay madaxi howl-galinta Al-Shabaab ee Shabeellaha Dhexe

Next Post
Ciidanka Xoogga  oo howl-gal  ku dilay madaxi howl-galinta Al-Shabaab ee Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga oo howl-gal ku dilay madaxi howl-galinta Al-Shabaab ee Shabeellaha Dhexe

Hay’adda SoDMA oo howlo biyo dhaamin ah ka wado deegaanno hoostaga Baydhabo

Hay’adda SoDMA oo howlo biyo dhaamin ah ka wado deegaanno hoostaga Baydhabo

March 20, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), oo kaashaneysa Wasaaradda Gargaarka Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed, isla markaana ku guda jirta Todobaadka Gurmadka...

Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

March 20, 2026
0

Ciidamada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan furimaha hore ee dagaalka, gaar ahaan gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa saakay si...

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo salaadda Ciid Fidriga ku tukaday Masaajidka Villa Hargeysa

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo salaadda Ciid Fidriga ku tukaday Masaajidka Villa Hargeysa

March 20, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya 20, Maarso, 2026: Guddoomiyaha Golaha Sbacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Madaxweynaha JFS oo Ciidul Fitriga kula qaatay Ciidamada degaanka Gandarshe ee Sh/Hoose

Madaxweynaha JFS oo Ciidul Fitriga kula qaatay Ciidamada degaanka Gandarshe ee Sh/Hoose

March 20, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta munaasabadda Ciidul Fitriga kula qaatay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In