Monday, October 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Beeraha Soomaaliya oo ka qayb galay Shir Caalamiya oo ka dhacay dalka Rwanda+sawirro

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Beeraha Soomaaliya oo ka qayb galay Shir Caalamiya oo ka dhacay dalka Rwanda+sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kigali(SONNA) Shirkan oo ay martigalisay Dowladda Rwanda waxaa soo qaban-qaabiyay Bankiga Africa(AfDB), Heyada FAO, Hey’ada Maalgalinta Horumarinta  Beeraha Aduunka (IFAD), Bankiga Aduunka (WB), Waxaana kasoo qaybgalay Wasiirada Beeraha Afrika, Madaxda Hey’adaha Maaliyadda iyo Beeraha Ee Kor kuxusan, Khuburo kala duwan oo qaarkood haystaan Abaalmarinta Nobel Prize.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda Cunto yarida ee kusii baahaysa Afrika iyo sida Qaaradu uga bixi karto dhibaatada cunto yaraanta ah ee ka dhalatay wax soosaarka Beeraha ee Afrika oo ka hooseeya inuu quudiyo dadka Qaarada, iyo isbedelada Cimiladda oo saamayn ku yeeshay wax soo saarka Beeraha.

Related posts

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026

Shirka Waxaa hoosta looga xariiqay muhiimada ay leedahay in la isku xiro oo wadashaqayn dhow ay yeeshaan dhamaan qaybaha ay khuseyso Hey’adaha maaliyadda aduunka, hey’adaha cilmibaarista iyo culuumta Beeraha iyo ka dhabaynta wadamada Qaaradu balamada gobolleed iyo kuwa caalamiga ah u sameeyay oo uu ugu horeeyo Qorshaha dhamaystiran ee horumarinta Beeraha Africa ee loosoo gaabiyo (CAADP).

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya oo shirkaas uu uga qaybgalay Wasiirka Beeraha Iyo Waraabka Soomaaliya Mudane Siciid Xuseen Ciid iyo khubaro ka socota Wasaaradda, Waxuu intii shirku socday kulamo kala duwan la yeeshay Wasiiradii halkaas yimid iyo Hey’adaha Caalamiga ah ee Shirkaas soo qabanqaabiyay, Wasiir Ciid ayaana uga Warbixiyay  Xaalada Beeraha Soomaaliya.

Wuxuu u xaqiiyay in Dowladda Soomaaliya ay ku jirto dadaalo badan oo ay dib ugu soo nooleeneyso kaabayasha Beeraha ,isagoo dhinaca kale Hey’adaha ay arintan quseyso  ka codsaday in la taageero qorshaha Dowlada Soomaaliya ee ku salaysan gaarista yoolalka caalamiga ee hoos u dhigida gaajada iyo gaarista badbaado cunto.

Wasiirka Beeraha Iyo Waraabka Soomaaliya Mudane Siciid Xuseen Ciid ayaa sidoo kale kulamo la yeeshay madax kala duwan oo magac ku leh Qaaradda Afrika kuwaas oo ay ka mid ahaayeyn Madaxweynihii hore ee dalka Nigeria Olusegun Obasanjo iyo Raiisal Wasaarihii hore ee Itoobiya Hailemariam Desalegn kuwaas oo shirka kasoo jeediyay talooyin wax ku ool ah.

Previous Post

Shaqaallaha Dawladda oo La Fasaxay maalmaha Ciidda Carafo.

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso: warka Duhur ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In