Wasiirka Wasaaradda Beeraha XFS Siciid Xuseen Ciid ayaa manta daah-furay Masraxa Horumarinta Beeraha oo muddo 30 sano kadib lagu sameeyay dib u dhis.
Kulankii daahfurka waxaa ka qetbgalay madaxda wasaaradda, khuburo ka socotay beeraha, iskaashatooyinka beeraha iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay kulankaasi.
Masraxaan ayaa shaqadiisu noqoneysaa halka lagu soo bandhigo awooda aqooneed iyo xirfadda lama huraanka u ah beeraleyda.