Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa dalka Morocco uga qaybgalay shirka meertada 33-aad ee Wasiirada Beeraha Qaaradda Afrika, kaas oo looga hadlay kobcinta wax soo saarka beeraha.
Wasiir Maareeye ayaa shirar gaar gaar ah la qaatay Wasiirada beeraha ayaan maanta kulan gaar la qaatay Wasiirka beeraha boqortooyada Morocco mudane Maxamed Sadiiqi
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sii xoojinta xiriirka walaaltinimo ee Soomaaliya iyo Morocco, iyagoo isku raacay in la wadaago Cilmiga, Qibradda iyo farsamadda Beeraha iyo Waraabka.
“Si gaar ah waxaanu isula qaadanay in Soomaaliya lagu caawiyo waxkasta oo Morocco kaga horeyso sida aqoonta beeraha, Waxbarashada machadyada iyo Jaamacadaha Beeraha oo Scholarship laga siiyo, tababarada, farsamada, qalabka Beeraha iyo Waraabka” ayuu yiri Wasiir Maareeye.
Wasiirka Wasaaradda beeraha iyo Waraabka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa sidoo kale la kulmay madaxda hay’adda FOA iyo wakiilada kala duwan ee hay’adaha caalamiga ee shirka ka soo qayb galay.