Sunday, October 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Beyle: “Sanadka cusub waxaan rajo ka qabnaa in deynta nalaga cafiyo”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Beyle: “Sanadka cusub waxaan rajo ka qabnaa in deynta nalaga cafiyo”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee xukuumadda Federaalka  Soomaaliya, Dr; C/raxmaan Ducaale Beyle oo maanta marti ku ahaa barnaamijka kulanka todabaadka ee kaba Warbaahinta Qaranka ayaa ka war-bixiyay Barnaamijka deyn cafiska Soomaaliya oo haatan meel wanaagsan maraya.

 

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026

Barnaamijka deyn cafiska ayuu sheegay wasiirku inuu yahay qorshe loogu tala galay in lagu caawiyo Waddamada aan qaanta bixin karin oo u badan Afrika, kuwaas oo ay Soomaaliyana qayb ka tahay, wuxuuna xusay inay dedaallo xooggan ugu jiraan sidii ay ugu guuleysan lahaayeen, maaddaama ay Dowladdu kasoo baxday shuruudihii ku hor gudbanaa deyn cafisku, Bankiga Adduunka iyo IMF-tuna ay aamineen.

Wasiir C/raxmaan Beyle, ayaa sheegay in Waddanka deynta lagu leeyahay  aan mid kale loo oggolayn, maalgelinna uusan heleyn, isagoo xusay in markii ugu horreysay ee la dejiyay Tubta deyn cafiska Caalamka 1996-kii, iyo wixii ka dambeeyay ammaah la siiyay  40 Waddan oo Afrikaan ah, iyadoo ay  imminka wax lagu leeyahay oo qura Dalalka Soomaaliya, Eretrea iyo Suudaan , halka inta kalena ay horumarro la taaban karo gaareen.

Mudane, Beyle , ayaa sheegay in Imtixaanka laga qaadayay Soomaaliya ay qodobbadiisu ka koobnaayeen 18, balse intoodii badnayd ay kasoo baxeen, wixii ka dambeeya Bisha March ee Sanadka 2019-kana ay soo gabagabaynayaan ka dibna ay xigto in guud ahaan laga cafiyo Soomaaliya deymaha lagu leeyahay.

Wuxuu sheegay Wasiirka C/raxmaan Ducaale Beyle, in deymaha lagu yeeshay Soomaaliya ay galeen Dowladihii hore, iyadoo shuruudda lagu xiray Dowladda imminka jirtana ay tahay inaad deymo kale lagu yeelan, taasina ay ka soo baxeen.

Previous Post

Xubin ka tirsan guddiga dib u heshiisiinta Qaranka oo geeriyooday

Next Post

Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Wafdigiisa oo lagu soo dhoweeyay Turkiga “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Wafdigiisa oo lagu soo dhoweeyay Turkiga “SAWIRRO”

Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Wafdigiisa oo lagu soo dhoweeyay Turkiga "SAWIRRO"

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In