Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Boostada & Isgaarsiinta oo ka daahfurey Caabudwaaq adeegyo lagu horumarinayo isticmaalka Teknolojiyadda “Sawirro”

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Boostada & Isgaarsiinta oo ka daahfurey Caabudwaaq adeegyo lagu horumarinayo isticmaalka Teknolojiyadda “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Boostada Isgaarsiinta & Teknoolojiyadda ayaa daahfuray adeegyo lagu horumarinayo isticmaalka Teknolojiyadda Xarunta Jaamacadda Ummadda qaybteeda Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ee Bartamaha dalka.

Adeegyadan lagu horumarinayo isticmaalka Teknolojiyadda ee Jaamacadda ayaa waxaa ka mid ah soo gelinta khad Internet ah oo ay isticmaali karaan Maamulka, Macalimiinta iyo ardayda Jaamacadda, Dhisimaha Shabakadda Gudaha (Network) ee Jaamacadda waxaa sidoo kale qayb ka ah 39 Laptops, Computers iyo Printers cusub oo  tayo sare leh.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026

Hirgelinta adeegyadan ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah Maktabakad Elektroonik ah (Digital Library) oo ay ku jiraan Buugaag, Casharo maqal iyo Muuqaal ah & maqaalo cilmi ah iyo tababaro loo samayn doono Shaqaalaha Teknoolojiyadda Jaamacadda, iyadda oo xoogga la saarayo sidii loo abuuri lahaa koox hawlwadeenno ah oo ku filan horumarinta iyo maamulka agabka lagu wareejiyey Jaamacadda.

Munaasabadda daahfurka oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeyb galay ardeyda, Macalimiinta iyo maamulka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed faraceeda Caabudwaaq, Gudoomiyaha Jaamacadda Ummada Soomaaliyeed, Senator Cabdiwaaxid Cilmi Cumar (Goonjeex), Xildhibaan Faarax Cabdi Xasan, Maareeyaha Mashruuca Taakulaynta Isgaarsiinta ee Wasaaradda, Ganacsato iyo Maamulka Degmada.

Gudoomiyaha Jaamacadda Ummadda Prof. Maxamed Axmed Jimcaale ayaa uga mahadceliyay Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyadda ka dhabaynta balanqaadkii uu u sameeyey Jaamacadda Ummadda, waxaa uuna qiray in adeegyadan ay baahi weyn u qabtey Jaamacadda.

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Mudane Cabdi Cashuur Xasan ayaa sheegay in adeegyadan ay yihiin kuwo bilow ah oo asaas u ah horumarinta Jaamacadda laguna dul dhisi doono mustaqbalka adeegyo kale oo ka horumarsan.

“Ujeeddada Adeegyadan ayaa ah in ay ka qeyb ka qaataan tayeynta Maamulka Jaamacadda, Cilmibaarista iyo tayada Waxbarashada, Adeegyadan waxaa ardayda u suurtogelin doonaan inay helaan maktabad aan u baahneyn internet oo ka caawin karta Cilmibaarista iyo Aqriska dheeriga ah”- ayuu yiri Wasiirka Canshuur.

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Xaaladda Wabiga, Dhibaatooyinka uu ka gaystay Hirshabeelle & khatar laga digay “Warbixin”

Next Post
Xaaladda Wabiga, Dhibaatooyinka uu ka gaystay Hirshabeelle & khatar laga digay “Warbixin”

Xaaladda Wabiga, Dhibaatooyinka uu ka gaystay Hirshabeelle & khatar laga digay "Warbixin"

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran ayaa gaaray magaalada Al-Calamayn ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar....

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026
0

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Galmudug, oo kaashanaysa Ciidanka Difaaca Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, ayaa hawlgal kormeer iyo...

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In