Saturday, October 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Boostada & Isgaarsiinta oo xubnaha ITU ka codsaday inay taageeraan Qaraarka khuseeya Soomaaliya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Boostada & Isgaarsiinta oo xubnaha ITU ka codsaday inay taageeraan Qaraarka khuseeya Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Mudane Eng Cabdi Cashuur Xasan, ayaa sheegay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ka shaqeyneyso sidii isgaarsiinta iyo teknolojiyada loogu adeegsan lahaa horumarinta dhaqaalaha iyo maamul-wanaagga, si shacabka Soomaaliyeed ay uga faa’iideystaan fursadaha dhaqaale ee ay teknolojiyadu keeni karto.

 

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Isagoo ka hadlayay Shirweynaha Midowga Isgaarsiinta Adduunka (ITU) ee ka soconaya magaalada Dubai, ayuu Wasiir Cashuur carrabka ku adkeeyay in horumarka Soomaaliya uu ku xirnaan doono hadba si aan u horumarino awooddeena dhinaca teknolojiyada.

Wasiirka oo adduunyada uga warbixinayay horumarka uu dalkeenu ka sameeyay dhinaca isgaarsiinta iyo teknolojiyada, wuxuu xusay inay jiraan caqabado badan oo dalalka soo koraya aysan kaligood wax ka qaban karin, loona baahan yahay in dalalka horumaray iyo kuwa soo karayaba ay ka sameeyaan iskaashi iyo wax-wadaqabsi.

Dalkeena ayaa u gudbiyay Shirweynaha ITU qaraar tirsigiisu yahay 160, kaas oo ay soo ansixiyeen fadhiyada ITU ee heer gobol qaaradda Afrika iyo Carabtaba.

“Waxaan si xushmad leh u weydiisaneynaa dalalka xubnaha ka ah ITU inay taageeraan qaraarkan Soomaaliya ka caawinaya sidii dib loogu dhisi lahaa kaabayaasha iyo awoodda isgaarsiinta iyo teknolojiyada,” ayuu yiri wasiirka oo intaasi raaciyay in Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay wada-shaqeyn iyo iskaashi la yeelato dalalka dhiggeena ah.

Shirweynaha ITU waa kulan afartii sanaba mar la qabto oo lagu doorto hoggaanka ururka, isla markaana lagu go’aamiyo qorshaha afarta sano ee socota ee ururka oo ay ku jiraan go’aamada la xiriira dalalka ama arrimaha ka dhexeeya dhammaan xubnaha.

–DHAMAAD–

 

 

 

Previous Post

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo markale ka dooday xeer hoosaadka Golaha “SAWIRRO”

Next Post

Shirka Todobaadlaha ah ee Maamulka Gobolka Banaadir oo looga hadlay Amniga, Bilicda iyo Barnaamijka Is-xilqaan “SAWIRRO”

Next Post
Shirka Todobaadlaha ah ee Maamulka Gobolka Banaadir oo looga hadlay Amniga, Bilicda iyo Barnaamijka Is-xilqaan “SAWIRRO”

Shirka Todobaadlaha ah ee Maamulka Gobolka Banaadir oo looga hadlay Amniga, Bilicda iyo Barnaamijka Is-xilqaan "SAWIRRO"

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In