Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada XFS oo Olole Nadaafadeed ka Bilaabay Madxafka Qaranka

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada XFS oo Olole Nadaafadeed ka Bilaabay Madxafka Qaranka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Eng Cabdi Cashuur Xasan oo Guddoominaya Guddi Hoosaadka  dhismaha Madxafka Qaranka iyo Shaqaalaha Wasaaradda ayaa maanta Olole Nadaafadeed ka bilaabay Madxafkii Qaranka oo Dowlada Soomaaliya ay Shacabka degan u qabatay Mudo 15-Maalmood inay kaga guuraan maadaama la doonayo in lagu dhiso Mashruuca Is Xilqaan.

Wasiirka ayaa kaga mahad celiyay Shacabkii degenaa Madfaxka Qaranka sida ay ugu dhaga nuglaadeen Amarkii Dowlada, iyagoona ka guuray ka hor mudadii loo qabtay oo Beri ku eg.

“Waxaan rabaa inaan aad ugu mahad celiyo Shacbiga Soomaaliyeed gaar ahaan dadkii degenaa halkan oo muujiyay Wadannimo, Is Xilqaan iyo Dowladnimo jaceyl una dhago nuglaaday Awaamiirtii Dowlada waxaa loo qabtay 15-Maalmood oo Beri ay ku eg tahay hadana waxaa noo muuqato in cidna aysan degeneyn oo Amarkii Dowlada ay qaateen Shacabka”.ayuu yiri Wasiirka.

Mudane Cabdi Cashuur Xasan ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu Labo Todobaad ka dib markii Ololaha Nadaafada lasoo gaba gabeeyop uu dhagax dhigi doono Madxafka Qaranka.

“Waxaa inoo xiga inaan Howlo nadaafad Madxafka Qaranka ka bilawno waxay qaadan doontaa labo Todobaad kadib waxaan rajeyneynaa in Madaxweynaha jamhuuriyadda uu dhagax dhig u sameyn doono ka dibna hawshii ayaa bilaaban doonta waxaana rajeyneynaa Bartamaha sanadka soo socda in Madxaf qalabeysan oo dayactiran inuu halkan kasoo baxo”.

Madxafka Qaranka waxaa ku hareereysan Theaterka Qaranka waxaana kasoo horjeeda Maktabadii Qaranka waxaana Beri samaadkii loo aqoon jiray goobtaasi Magaaladii Dhaqanka, iyadoo Wasiir Cabdi Cashuur uu Dhalinyarada Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka faa’iideysan doonaan Goobaha Taariikhiga ah oo Dowlada Federaalka ay dib usoo nooleyneyso.

“waxaan rajeyneynaa inay Dhalinyarada ka faa’iideystaan Taariikhdooda oo ay ka baran doonaan Madxafka Qaranka, sidoo kale ay wax kasoo akhristaan Maktabadii Qaranka, Suugaantii iyo Wacyi gelinta ay uga socoto Theaterka Qaranka, waxaan Shaqaalaha ku baraarujinayaa inay ka dhabeeyaan Mashruucii Isxilqaan oo ay ku dhawaaqeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda ayuu yiri Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada.

Previous Post

Tartan Orod ah oo lagu xusayo Maalinta Macaanka oo Muqdisho lagu qabtay

Next Post

Golaha Shacabka oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka

Next Post
Golaha Shacabka oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka

Golaha Shacabka oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In