Tuesday, March 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta oo ka tacsiyadeeyey geerida Qoraa Aways Shiino

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta  oo ka tacsiyadeeyey geerida Qoraa Aways Shiino
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Alle ha u naxariistee, waxaa maanta oo Isniin ah ku geeriyooday Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho, qoraaga Aways Xuseen Xasan(Shiino) oo ka tirsanaa mas’uuliyiinta Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyada Soomaaliya.

Cabdi Canshuur Xasan, Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda dawladda Federal-ka Soomaaliya, ayaa bartiisa Facebook qoraal uu dhigay, ku sheegay in uu aad uga naxay geerida Marxuum Aways Shiino.

Related posts

Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha u Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo kulan yeeshay

Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha u Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo kulan yeeshay

March 31, 2026
Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

March 31, 2026

“Allaha u naxariistee Marxuum Aweys waxa uu muddo dheer ka soo shaqeeyey qeybaha kala duwan ee Wasaaradda. Waxa uu ka mid ahaa khuburada aqoontooda iyo waayo-aragnimadooda ugu shaqeeyey dalka marxaladihii kala duwanaa ee uu dalku soo maray, waxa aan ku xasuusan doonnaa marxuumka howl-karnimo, daacadnimo iyo dulqaad badan”, ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa xusay in Marxuumka uu ahaa Qoraa aqris badan oo hibo u lahaa curinta iyo turjumaadda qoraallo iyo sheekooyin saameyn badan ku yeeshay nolosha aqristayaasha xilligii uu ka tirsanaa Wasaaradda Warfaafinta.

“Waxa aan Ilaahay ugu baryeynaa in uu u naxariisto, sabir iyo Iiimaanna ka siiyo qoyskii iyo asxaabtii uu ka baxay iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed”, Mr. Canshuur ayaa Sidaa Alle uga beryey.

Marxuum Aways Xuseen Xasan( Aways Shiino) waxa uu ku dhashay magaalada Muqdisho sanadkii 1955-tii, waxa uu waxbarashadiisa dugsiga hoose, iyo sare ku qaatay Xamar, waxa uuna jaamacadiisa ku soo qaatay Syria halka dalalka kale sida Lubnaan uu aqoon korosi u tagay, sida Wakaaladda SONNA ogaatay.

SONNA ayaa sheegtay in Marxuumka uu ahaa saxafi, qoraa iyo mutarjam luuqada Carabiga wax ku turjamayey, waxa uuna wax ku qori jiray Wargayskii Xidig October ee dalkeena beri-samaadkii ka soo bixi jiray.

Previous Post

Wasiir Hilaal oo Kormeeray Isbitaalka Guud ee Baardheere+Sawirro

Next Post

Madaxweynaha Galmudug oo magacaabay Guddiga Gurmadka Daadadka Bacaadweyn

Next Post
Madaxweynaha dowladd Goboleedka Galmudug oo gaaray deegaanada Huurshe iyo Xeraale  ee Gobolka Galgaduud

Madaxweynaha Galmudug oo magacaabay Guddiga Gurmadka Daadadka Bacaadweyn

Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha u Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo kulan yeeshay

Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha u Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo kulan yeeshay

March 31, 2026
0

Waxaa maanta xarunta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) lagu qabtay kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

March 31, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Dr. Maryan Qaasim, iyo wafdigeeda ayaa ka qayb galay shirka Golaha Guud ee...

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gaaray Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gaaray Baydhabo

March 31, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi isugu jira wasiiro Iyo...

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya oo caawa ciyaar adag la leh xulka Mauritius.

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya oo caawa ciyaar adag la leh xulka Mauritius.

March 31, 2026
0

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta ayaa caawa 06:00 PM ciyaar adag oo qeyb ka ah isreeb-reebka hordhaca ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In