Sunday, October 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Boostada oo soo dhoweeyay Qaraarkii Ururka ITU ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Boostada oo soo dhoweeyay Qaraarkii Ururka ITU ee Soomaaliya “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ayaa soo dhoweeyay go’aanka Midowga Isgaarsiinta Caalamiga (ITU) uu ku ansixiyay laba qaraar oo mid ka mid ah uu gaar u yahay Soomaaliya.

 

Related posts

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026

Qaraarka 1aad oo tirsigiisu yahay 34 waa mid guud ahaan oo lagu taageerayo dalalka u baahan inay dib u dhisaan isgaarsiintooda, wuxuuna farayaa madaxda ITU iyo dalalka xubnaha ka ah in ay taageeraan dalal ay Soomaaliya ka mid tahay.

Sidoo kale wuxuu Goluhu ansixiyay qaraar u gaar ah Soomaaliya oo tirsigiisu yahay 160, kaasi oo ujeeddadiisu tahay in Soomaaliya taageero gaar ah laga siiyo sidii ay dib ugu dhisi lahayd, una casriyeyn lahayd, kaabayaasha isgaarsiinta, in dib loo dhiso wasaarad si casri ah u qalabeysan oo leh hay’adaha awooddoodu dhisan tahay oo hoos taga Wasaaradda, in la dajiyo siyaasadda, sharciyada iyo xeer-nidaamiyeyaasha ay ka mid yihiin qorshaha lambarrada taleefoonka, maareynta hirarka, horumarinta shaqaalaha iyo guud ahaan noocyada kale ee taageero ee loo baahan yahay. Qaraarkan wuxuu farayaa Golaha ITU, xoghayaheeda, Agaasimeyaasha qeybaha kala duwan iyo dalalka xubnaha ka ahba inay si gaar ah Soomaaliya uga caawiyaan horumarinta isgaarsiinta iyo teknolojiyada.

Madaxda Wasaaradda iyo Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa bilihii la soo dhaafay galaangal ugu jiray sidii dalalka Carabta iyo Afrikaankaba ay qaraarkan ugu soo dari lahaayeen hindisayaasha ay la soo shir-tagayaan, iyagoo intuu uu shirku socday ay soo jeediyeen, isla markaana difaaceen qaraarkan. Maqaamka dalkeena uu ku leeyahay ITU ayaa sanadkan ka duwanaa doorashooyinkii hore maadaama aan dib u soo ceshanay xuquuqdii codeynta, isla markaana aan yeelanay sharci isgaarsiineed iyo hay’ad u gaar ah nidaaminta isgaarsiinta.

“Waxaan soo dhoweynayaa in la ansixiyay qaraarkii noo gaarka ah iyo kuwa kale ee saameynta nagu lehba. Arrintan waxay naga caawin doontaa inaan dib u dhisano kaabayaasha isgaarsiinteena, isla markaana aan sameyno dib-u-habeynta loo baahan yahay maadaama suuqani uu muddo ku soo shaqeynayay nidaam la’aan” ayuu yiri Wasiirka.

Previous Post

Saraakiisha Ciidanka Asluubta oo u fadhiistay Imtixaan aqoon guud ah

Next Post

Minister welcomes ITU resolution on Somalia

Next Post
Wasiirka Boostada oo soo dhoweeyay Qaraarkii Ururka ITU ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Minister welcomes ITU resolution on Somalia

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In