Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Caafimaadka iyo wafdi ay hogaamineysay oo socdaal ku tegay Jowhar

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
12 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Caafimaadka iyo wafdi ay hogaamineysay oo socdaal ku tegay Jowhar
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Caafimaadka xukuumadda Federaalka Soomaaliya Drs Xaawa Maxamed Xasan oo uu wehliyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha gudaha Mudane Cali Sheekh Maxamed Xaaji Cali iyo mas’uuliyiin ka socotay dowladda Qatar ayaa maanta booqasho ku tegay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha dhexe.

Wafdigan ayaa waxa ay kormeereen xarumaha caafimaadka ee magaalada Jowhar, halkaasi oo ay ugu kuurgalayeen xaaladda caafimaad ee magaalada, iyagoo dad beeraleey ah u qeybiyay abuur, isla markaana guddoonsiiyay lacago ay beerahooda ku tabcan karaan.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Wasiirka Caafimaadka xukuumadda Federaalka Soomaaliya Drs Xaawa Maxamed Xasan iyo wafdiga la socday waxa ay dhagax dhigeen Iskuulka Hoose Dhexe iyo Sare ee Sheekh Xuseen Cadde ee magaalada Jowhar, halkaasi oo lagu soo kordhinayo dhismo cusub.

Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhexe Cali Cabdullaahi Xuseen “Cali Guudlawe” ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in wafdi heer sare ay soo booqdaan degmada,  taasi oo uu muujineysa amniga ka jirta magaalada Jowhar.

Drs Xaawa Maxamed Xasan ayaa sheegtay in ujeeddada booqashadeeda ay tahay sidii ay ugu kuurgeli lahayd xaaladda caafimaad ee ka jirta gobolka, waxaana ay xustay inay xoogga saareyso sidii loo heli lahaa adeegyo caafimaad oo dhameystiran.

Wafdiga ayaa gelinkii dambe ee maanta waxa ay dib ugu soo laabteen Muqdisho

Previous Post

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Turkiga “SAWIRRO”

Next Post

Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Kormeeray Kulan Howleed Kampala Uga Socda Guddiga Axsaabta Ee Baarlamaanka “SAWIRRO”

Next Post
Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Kormeeray Kulan Howleed Kampala Uga Socda Guddiga Axsaabta Ee Baarlamaanka “SAWIRRO”

Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Kormeeray Kulan Howleed Kampala Uga Socda Guddiga Axsaabta Ee Baarlamaanka “SAWIRRO”

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In