Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Caafimaadka oo aaladda fogaan aragga kaga qeybgalay shir looga hadlayay Suudaan

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Caafimaadka oo aaladda fogaan aragga kaga qeybgalay shir looga hadlayay Suudaan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa maanta aaladda fogaan aragga kaga qeybgalay Shir deg deg ah oo ay isugu yimaadeen Golaha Wasiirada Caafimaadka ee dalalka Carabta, kaas oo looga hadlayay arrimaha kasoo cusboonaaday wadanka Suudaan.

Wasiirka Caafimaadka Suudaan Dr Haitham Awad ayaa ka warbixiyay xaaladda qeybta Caafimaadka ee dalka Suudaan iyo dhibaatooyinka ka soo gaaray dagaallada ka qarxay wadankaasi, warbixinta ayuu Wasiirku ku codsaday in lalasoo gaaro gurmad Caafimaad oo deg deg ah, isuguna jira dawooyin iyo agab Caafimaad, maadaama Isbitaallo badan ay soo gaareen burbur baaxad leh.

Related posts

Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Khawaarijta ku baacsanaya dhulka howdka ah

Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Khawaarijta ku baacsanaya dhulka howdka ah

January 28, 2026
Wasaaradda Gaadiidka oo qabatay kulan ku saabsan u adeegista shacabka Soomaaliyeed.

Wasaaradda Gaadiidka oo qabatay kulan ku saabsan u adeegista shacabka Soomaaliyeed.

January 28, 2026

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan oo qeyb ka ahaa shirka ayaa uga tacsiyeeyay shacabka Suudaan dhibaatada kasoo gaartay shaqaaqooyinka ka socda Caasimadda iyo gobolada kale ee wadanka Suudaan,  waxa uuna sidoo kale Alle uga baryay in uu ugu deeqo nabad waarta.

Golaha ayaa u muujiyay garab istaag walaalnimo walaalahood Suudaan, waxeyna go’aamiyeen in goobaha xaaladuhu saameeyeen la gaarsiiyo gurmad deg deg ah oo dhanka Caafimaadka ah, kaasoo isugu jira Dawooyin iyo agab Caafimaad.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Xamse oo 1da Maajo awgeed Hambalyo u diray dhamaan shaqaalaha Soomaaliyeed

Next Post

Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya oo qaabilay Safiirka Ruushka ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya oo qaabilay Safiirka Ruushka ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya oo qaabilay Safiirka Ruushka ee Soomaaliya "SAWIRRO"

Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Khawaarijta ku baacsanaya dhulka howdka ah

Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Khawaarijta ku baacsanaya dhulka howdka ah

January 28, 2026
0

Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sii wada howlgal qorsheysan oo ka dhan ah maleeshiyaadka Khawaarijta, iyagoo ku baacsanaya dhulka howdka...

Wasaaradda Gaadiidka oo qabatay kulan ku saabsan u adeegista shacabka Soomaaliyeed.

Wasaaradda Gaadiidka oo qabatay kulan ku saabsan u adeegista shacabka Soomaaliyeed.

January 28, 2026
0

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan muhiim ah ka yeelatay xaqiijinta adeeg hufan oo loo...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In