Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Caafimaadka oo booqatay dadkii ku dhaawacmay weerarkii xalay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Caafimaadka oo booqatay dadkii ku dhaawacmay weerarkii xalay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaradda Caafimadka iyo Daryeelka bulashada ee Xukumadda Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda ayaa maanta Isbitaalada Madiina iyo Reccep Teyip Erdogan ku booqatay qaar ka mid ah dadkii xalay ku soo dhaawacmay weerarkii maleeshiyadka Al-Shabaab ay ku qaadeen maqaayadda Pizza House ee magaalada Muqdisho.

Agaasimaha guud Isbitaalka Madiina  Dr Maxamed Yuusuf Xasan ayaa Wasiirka ugu warbixiyay dhaawacyada la geeyay isbitaalka iyo sidi ay ugu guleeysteen iney la tacalaan dhaawacyadii u baahnaa in loo sameeo gar gaar deg deg ah, isagoo xusay in inta badan buukanadi la kenaay isbitaalka si wanaagsan loola tacaalay caafimaadkoodane uu aad uu wanaagsan yahay

Related posts

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026
Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026

Wasiirka Caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya Drs Fawziya Abiikar Nuur ayaa isbitaalka kula kulantay Hooyo labo gabdhood ay dhashay oo weerarkii xalay ay kaga dhinteen, hal gabarkale ay kaga dhaawacantay oo iminka lagu dabiibayo isbitaalka, iyadoo Hooyadaasi la qeybsatay murugada Allena uga bariday in uu gabarteeda caafimad deg deg ah siiyo.

Wasiirka caafimaadka ayaa sidoo kale booqatay Isbitaalka Reccep Teyip Erdogan oo ka mid ah goobaha caafimaadka ee la gaarsiiyay dadkii ku soo waxyeeloobay weerarkii Pizza House, waxaana ay warbixinno ka dhageysatay maamulka Isbitaalka xaaladda caafimaad ee dhaawacyada isbitaalka la geeyay.

Isbitaalka ayaa la gaarsiiyay ilaa iyo sideed qof oo dhaawac ah, iyadoo mid ka mid ah uu u geeriyooday dhaawaca, waxaana isbitaalka iminka lagu dabiibayaa todobo qof oo ka mid ah dadkii xalay ku soo dhaawacmay weerarkii ka dhacay Muqdisho/

Previous Post

Golaha Wasiirrada oo maanta ka dooday qodobo ay ka mid yihiin Qaraxii Pizza House+Sawirro

Next Post

R.W Kheyre oo la dar-daarmay Ergooyinka Shirweynaha Wadatashiga Qaran ee hannaanka dib-u-heshiinta “SAWIRRO”

Next Post
R.W Kheyre oo la dar-daarmay Ergooyinka Shirweynaha Wadatashiga Qaran ee hannaanka dib-u-heshiinta “SAWIRRO”

R.W Kheyre oo la dar-daarmay Ergooyinka Shirweynaha Wadatashiga Qaran ee hannaanka dib-u-heshiinta "SAWIRRO"

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026
0

Waxaa Degmada Guriceel ka qabsoomay kulan iyo olole ballaaran oo lagu taageerayey musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran ee u taagan...

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In