Monday, November 3, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Barnaamijyada

Wasiirka Caafimaadka oo ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay COVID-19 ee Dalka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Barnaamijyada, Wararka
0
Wasiirka Caafimaadka oo ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay COVID-19 ee Dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay 70 xaalado cusub oo COVID-19 ah 24-kii saac ee la soo dhaafay, 8 qof ayaana u geeriyootay, waxaana ka bogsatay 41 ruux.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay Somaliland (39) Puntland (17) Jubbaland (7) gobalka Banaadir (5) iyo Koonfur Galbeed (2) qof, 47 ka mid ah bukaannada la xaqiijiyay waa rag, halka 23-na ay yihiin haween.

Related posts

Somali State Minister for Foreign Affairs Receives Sudanese Ambassador

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda XFS Oo Xafiiskiisa Kuqaabilay Safiirka Suudaan Ee Soomaaliya

November 2, 2025
Taliska NISA Ee Koonfur Galbeed Oo Soo Bandhigay Xubno Iska Soo Dhiibay Khawaarijta

Taliska NISA Ee Koonfur Galbeed Oo Soo Bandhigay Xubno Iska Soo Dhiibay Khawaarijta

November 2, 2025

Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 11,978 waxaa bogsootay 5,058 Ruux. guud ahaan 576 ruux oo kale ayaa u geeriyootay.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa bulshada ka codsatay inay qaataan talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo, maadaama uu markale soo labo kacleeyay halista cudurka COVID-19.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda Drs Fowziya Abiikar Nuur ayaa bulshada ku baraarujisay inay qaataan Tallaalka ka hortagga Caabuqa COVID-19 ee AstraZeneca, kaasi oo haatan si habsami leh uga socda gudaha dalka.

Previous Post

Hormuud Salaam Foundation oo 400 oo haamood oo Oxygen ah ku wareejisay Dowladda Soomaaliya “SAWIRRO”

Next Post

Ra’iisul Wasaare Rooble oo bogaadiyey Howlwadeennada Gargaarka Caafimaad ee la tacaalaya COVID-19 “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Rooble oo bogaadiyey Howlwadeennada Gargaarka Caafimaad ee la tacaalaya COVID-19 “SAWIRRO”

Ra'iisul Wasaare Rooble oo bogaadiyey Howlwadeennada Gargaarka Caafimaad ee la tacaalaya COVID-19 “SAWIRRO”

Somali State Minister for Foreign Affairs Receives Sudanese Ambassador

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda XFS Oo Xafiiskiisa Kuqaabilay Safiirka Suudaan Ee Soomaaliya

November 2, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cali Maxamed Cumar, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Suudaan ee Soomaaliya,...

Somali State Minister for Foreign Affairs Receives Sudanese Ambassador

Somali State Minister for Foreign Affairs Receives Sudanese Ambassador

November 2, 2025
0

RADIO MOGADISHO(SUDAN):-The State Minister for Foreign Affairs and International Cooperation, Hon. Ali Mohamed Omar, received on Sunday, at his office...

Taliska NISA Ee Koonfur Galbeed Oo Soo Bandhigay Xubno Iska Soo Dhiibay Khawaarijta

Taliska NISA Ee Koonfur Galbeed Oo Soo Bandhigay Xubno Iska Soo Dhiibay Khawaarijta

November 2, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Taliska Hay'adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa soo bandhigay saddex xubnood oo ka tirsanaa kooxda...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka Oo Ololaha Isdiiwaangelinta Doorashooyinka Ka Daahfuray Deegaannada Hoostaga Xarardheere

Guddiga Doorashooyinka Qaranka Oo Ololaha Isdiiwaangelinta Doorashooyinka Ka Daahfuray Deegaannada Hoostaga Xarardheere

November 2, 2025
0

RADIO MUQDISHO(XAGARDHEERE):-Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, ayaa wada dadaallada lagu hubinayo in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay helaan fursad...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In