Thursday, July 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka caafimaadka oo kormeertay qeybta saalada ee isbitaalka Madiina”SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Wasiirka caafimaadka oo kormeertay qeybta saalada ee isbitaalka Madiina”SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Caafimaadka ee xukuumadda Soomaaliya oo uu wehlinayo Wasiir ku-xigeenka caafimaadka ayaa maanta kormeeray isbitaalka Madiina, gaar ahaan qeybta saalada oo dhawaan dab qabsaday, iyagoo u kuurgalayay dabka qabsaday saalada qasaaraha uu gaarsiiyay.

Dr Maxamed Yuusuf Agaasimaha Isbitaalka ayaa mas’uuliyiintan ku soo wareejiyay qeybaha isbitaalka, gaar ahaan qeybta saalada ee uu dabka qabsaday iyo qasaaraha ka dhashay, oo ay ka mid ahaayeen agabyadii gurmadka deg deg ah iyo kuwa qaliinka lagu sameyn jiray oo bas beelay, iyagoo sidoo kale kormeer ku sameeyey agabyo si KMG ah qaliino lagu sameeynayo oo ay Wasaaradda caafimaadka halkaasi geystay dabka kadib.

Related posts

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhaqanka iyo Farshaxanka

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhaqanka iyo Farshaxanka

July 23, 2026
Wasiirka Amniga XFS oo daah-furay Barnaamijka Iskaashiga Dhismaha iyo Xoojinta Amniga Xuduudaha

Wasiirka Amniga XFS oo daah-furay Barnaamijka Iskaashiga Dhismaha iyo Xoojinta Amniga Xuduudaha

July 23, 2026

Agaasimaha Isbitaalka Dr Maxamed Yuusuf ayaa intaas kadib ka warbixiyay qasaarihii ka dhahay dabkii qabsaday qeybta saalada ee isbitaalka iyo kaalmadii ay Wasaaraddu gaarsiisay waxa ay ka badashay baahiyaha qaliin ee isbitaalka ka jirtay.

β€œWaan ku faraxsanahay in Wasaaraddu ay gacan weyn naga siiso, dhibtii uu gaarsiiyay goobihii ugu muhimsanaa ee isbitaalka oo dabqabsaday, taas badalkeedana ay Wasaaraddu na soo gaarsiisay qalab aan isticmalno iyo dhismihii saalada oo dhawaan ay noo dhagax dhigtay Wasiirka Caafimaadka” ayuu yiri Agaasimaha isbitaalka

Wasiirka Caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya Drs Xaawo Xasan Maxamed ayaa sheegtay in isbitaalka uu yahay mid muhiim u ah dadweynaha Soomaaliyeed oo u qabta adeegyo kala duwan, Wasaaradduna ay ka qeyb qaadaneyso sidii markale isbitaalka uu u sii wadan lahaa adeegyada uu u hayo bulshada Soomaaliyeed.

β€œShaqo muhiim ah ayuu u hayaa isbitaalka bulshaada Soomaaliyeed, anaguna sharaf ayay inoo tahay inaan gacan ka geysano inaysan hakad gelin howlaha isbitaalka ugu gurmanayo shacabka, waxaan gacan ka geysan doonaa dib u dhiska qeybta saalada ee isbitaalka” ayay tiri Drs Xaawo Wasiirka Caafimaadka.

IMG_0272 IMG_0282 IMG_0285 IMG_0292Β  IMG_0301 IMG_0302 IMG_0308Β  IMG_0315Β  IMG_0325 IMG_0342 IMG_0349Β  IMG_0362 IMG_0365 IMG_0378 IMG_0392 IMG_0394 IMG_0396 IMG_0432 IMG_0440 IMG_0442 IMG_0443 IMG_0455 IMG_0466 IMG_0477 IMG_0481 IMG_0487 IMG_0494 IMG_0496 IMG_0505

Sawir qaade:- Sugaal Macalin Maxamuud

Previous Post

Kulan looga hadlayay musuq maamusaqa oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweynaha J. F. S. oo ka hadlay howlgalki lagu dilay horjooge ka tirsanaa Shabaab

Next Post
Madaxweynaha oo soo dhoweeyay go’aanka hoggaamiyeyaasha dhaqanka ee gobolka Hiiraan ay dib ugu noqonayaan shirka magaalada Jowhar

Madaxweynaha J. F. S. oo ka hadlay howlgalki lagu dilay horjooge ka tirsanaa Shabaab

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhaqanka iyo Farshaxanka

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhaqanka iyo Farshaxanka

July 23, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhaqanka iyo Farshaxanka, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo...

Wasiirka Amniga XFS oo daah-furay Barnaamijka Iskaashiga Dhismaha iyo Xoojinta Amniga Xuduudaha

Wasiirka Amniga XFS oo daah-furay Barnaamijka Iskaashiga Dhismaha iyo Xoojinta Amniga Xuduudaha

July 23, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Xildhibaan Dahabo Suusoow ku booqday Isbitaalka

Wasiirka Dekadaha XFS oo Xildhibaan Dahabo Suusoow ku booqday Isbitaalka

July 23, 2026
0

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa maanta booqasho ugu tegay Isbitaalka...

𝐆𝐨π₯𝐚𝐑𝐚 π–πšπ¬π’π’π«π«πšππš 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐒𝐱𝐒𝐲𝐞𝐲 𝐝𝐑𝐒𝐬𝐚𝐦𝐚𝐑𝐚 𝐆𝐨π₯𝐚𝐑𝐚 π’πšπ«πž 𝐞𝐞 π€ππžπžπ π πš π†πšπ«π¬π¨π¨π«π€πš

𝐆𝐨π₯𝐚𝐑𝐚 π–πšπ¬π’π’π«π«πšππš 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐒𝐱𝐒𝐲𝐞𝐲 𝐝𝐑𝐒𝐬𝐚𝐦𝐚𝐑𝐚 𝐆𝐨π₯𝐚𝐑𝐚 π’πšπ«πž 𝐞𝐞 π€ππžπžπ π πš π†πšπ«π¬π¨π¨π«π€πš

July 23, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhaqanka iyo Farshaxanka, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In