Thursday, October 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo khubad ka jeediyay shirka Madasha Caafimaadka Adduunka

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo khubad ka jeediyay shirka Madasha Caafimaadka Adduunka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Adam, ayaa khudbad ka jeediyay shir-doceed looga hadlayay sidii loogu heli lahaa xarumaha Caafimaadka koronto ku shaqaysa cadceedda.

Shir-doceedka oo ka mid ah shirar doceedka ka garab dhacaya shirka Madasha Caafimaadka Adduunka ee ka socda Xarrunta Qaramadda Midoobay ee magaalada Geneva, ayaa waxaa soo abaabulay Hay’adda UNOPS.

Related posts

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026

Waxaa shirkan kasoo qayb galay Wasiirada Caafimaadka oo ka kala socday Wadamada kala ah Ethiopia iyo Sierra Leone. Waxaa dhanka kale shirka kasoo qayb galay Hay’ado farabadan oo ka shaqeeya arrimaha Caafimaadka.

Shirkan,ayaa wadankeena Soomaaliya wuxuu u lahaa muhiimad gaar ah, waayo wuxuu indhaha beesha Caalamka kusoo jeediyay doorka tamarta qoraxdu ay ka qaadan karto horrumarinta bixinta adeegga Caafimaadka, iyadoo Wasaaradda Caafimaadka waayadii u danbeeyay ay waday dadaalo xarrumaha Caafimaadka lagu gaadhsiinayo korantada laga dhalliyo tamarta qoraxda.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya Dr. Ali Haji Adam,ayaa shirka ka sheegay in Dawlada Soomaaliya ay ka go’antahay in la horumariyo nidaam Caafimaadka oo kor u qaada bixinta adeeg Caafimaad oo aan saamayn xun ku reebin shacabka iyo deegaanada Soomaaliyeed, waxa uuna sidoo kale Wasiirku sheegay in ay ka go’antahay Wasaaradda Caafimaadka in xarrumaha Caafimaadka dalka lawada gaadhsiiyo korontada laga dhalliyo tamarka qoraxda.

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh” Dowlad Soomaaliyeed oo is qab-qabsigeedu yar yahay oo deganaansho siyaasadeed leh ayaa u baahan nahay,”

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay Kal-fadhiga Baarlamaanka

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay Kal-fadhiga Baarlamaanka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay Kal-fadhiga Baarlamaanka

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

October 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qasriga Madaxtooyada Qaranka warqadaha aqoonsiga safiirnimo kaga guddoomay Danjireyaasha cusub ee...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

September 30, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta qaabilay Safiirka cusub ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In