Saturday, October 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo Khudbad ka jeediyay shir looga hadlaayo hormarinta Caafimaadka

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo Khudbad ka jeediyay shir looga hadlaayo hormarinta Caafimaadka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr Ali Haji Aden, ayaa Khudbad ka jeediyey Shir duceedka heerkiisu sareeyo oo looga hadlayey la dagaalanka Cudurka Qaaxada, kaas oo lagu qabtay Magaalada New york ee uu ka socdo Shirka Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey.

Madasha Waxaa ka soo qeybgaley Wasiiradda Caafimaadka dalalka Caalamka, waxaana si diiran loogu lafagurey sidii loola dagaalami lahaa Cudurka Qaaxada oo wadama badan oo Caalamka ay bulshooyinkoodu la daalaa dhacayaan.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadaka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegey in Qaaxadu (TB) ay tahay dhibaato Caafimaad oo caalami ah, oo saamaysa shakhsiyaadka iyo bulshooyinka adduunka oo dhan, waxa uuna xusey in TB-du tahay caqabad weyn oo ku horgudban Caafimaadka iyo horumarka ummadaha Caalamka, waxa uu sidoo kale farta ku fiiqey in fiiro gaar ah loo yeesho, ballan-qaadyada ka soo baxa madasha, iyo tallaabooyinka Istiraatijiyadeed ee ka dhanka ah Qaaxada.

Wasiirka, ayaa sidoo kale yiri ” TB-du waxa ay dhibaato iyo culays xooggan ku heysaa bulshooyinkeena, Baahsanaanta Qaaxada ee Soomaaliya waxa ay ka tarjumaysaa farqiga ballaaran ee caalamiga ah ee helitaanka daryeelka Caafimaadka iyo tayada”.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay ballaarisey baarista iyo daawaynta Qaaxada taas oo qayb ka ah kordhinta adeegga daboolida Xirmooyinka Caafimaadka aas aasiga ah (EPHS) waxayna Wasaaraddu qorsheynaysaa in marba marka ka dambeeya ay sii kordhiso korna u qaado adeeg bixinta la dagaalanka Cudurka Qaaxada si bulshadeenu u hesho xasilooni Caafimaad oo dhammeestiran.

Previous Post

Xildhibaan Ciid” Argagixisada markii furimaha looga adkaaday, waxay bilaabeen in ay beegsadaan dadka rayidka ah”,

Next Post

Mudane Ciise Guure oo soo xiray shir ay iskugu yimadeen madaxda rugta ganacsatada 

Next Post
Mudane Ciise Guure oo soo xiray shir ay iskugu yimadeen madaxda rugta ganacsatada 

Mudane Ciise Guure oo soo xiray shir ay iskugu yimadeen madaxda rugta ganacsatada 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran ayaa gaaray magaalada Al-Calamayn ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar....

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026
0

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Galmudug, oo kaashanaysa Ciidanka Difaaca Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, ayaa hawlgal kormeer iyo...

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In