Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Oo Kulan La Qaatay Wafdi Ka Socday Xafiiska Hay’adda WHO

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
4 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Oo Kulan La Qaatay Wafdi Ka Socday Xafiiska Hay’adda WHO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr Ali Xaaji Aadan oo ay Wehilnaysay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dr. Maryama Mohamed Husse, ayaa maanta xarunta dhaxe ee Wasaaradda Caafimaadka ku qaabilay Wafdi ka socday Xafiiska Hay’adda Caafimaadka  Adduunka ee WHO gaar ahaan xafiiska Bariga iyo Bartamaha.

Wafdiga ayaa ka koobnaa madaxa WHO ee Xafiiska Soomaaliya Mudane Mamnuur Rahman Malik, iyo Qubaro kale oo ah xeeldheerayaal Caafimaad, waxaanna sidoo kale kulanka qeyb ka ahaa oo wfadiga wehliyay khubaro dib u eegaysa guulaha ay Soomaaliya ka gaadhay Adeega Caafimaadka Aasaasiga ah iyadoo loo eegayo halbergyada Caalamiga ee Caafimaadka loo dhanyahay ee Universal Health Coverage (UHC)

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Wafdiga ayaa kulan socdey saacado la qaatey Madaxda ugu sarsarayso Wasaaradda si loogu kuurgalo hawlaha Caafimaad ee ka socdo Wasaaradda Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Waxaanna sidoo kale jiri doono booqasho shaqo oo ay ku tagi doonaan xarumaha Caafimaadka sida Isbitaalka DeMartini, Iyo Shaybaarka dhaxe ee Qaranka

Madaxda ka socotey WHO, ayaa Madaxda Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya u gudbisey warbixin ku saabsan qorshaha World Health Organization ee Soomaaliya iyo dhameystirka Mashaariicda ay ka wadaan Soomaaliya iyo doorkooda ku aadan horumarinta qeybta Caafimaadka.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr Cali Xaaji Aadam ayaa si diiran u soo dhaweeyay Wafdiga sidoo kalena kala hadlay wadashaqaynta ballaaran ee kala dhaxayso WHO oo qeyb wayn ka ah habsami u socodka shaqada Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka, ayaa sidoo kale ka hadlay xaaladaha dalka ka jira iyadoona xilligan Dalka ay ka jirto abaartii ugu darneyd ee soo marta Soomaaliya tan iyo sanadkii 2011-kii, waxa ayna saameysay qeybo badan oo ka mid ah Gobolada dalka iyadoo xaalad Bani’aadamnimo iyo mid Caafimaad ku keentey ku dhawaad 7 Milyan oo macluul ay soo food saartay.



 

Previous Post

Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Oo Dhageystay Warbixinta La Xiriirta Mareeynta Gurmadka Qaran

Next Post

Somalia Is potentially A Rich Country

Next Post
Somalia Is potentially A Rich Country

Somalia Is potentially A Rich Country

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In