Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Adam iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Qaahira ee dalka Masar.
Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya ayaa la wareegi doona hogaaminta kal-fadhiga 70-aad ee kulan weynaha Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO/ Xafiis Goboleedka EMRO.
Madasha, ayaa looga hadli doonaa sidii loosii amba qaadi lahaa hiigsiga horumarinta Caafimaad guud ahaan Bariga iyo bartamaha, iyadoo la hubinaayo gaarsiinta Caafimaadka dhamaystiran guud ahaan gobolka.