Tuesday, March 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Caafimaadka XFS oo kormeeray xarunta Sheybaarka Qaranka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Caafimaadka XFS oo kormeeray xarunta Sheybaarka Qaranka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa maanta kormeeray xarunta Shaybaarka Qaranka.

Madaxa Shaybaarka Qaranka Dr Maxamuud Axmed ayaa ku soo dhaweeyey xarunta Shaybaarka Wasiirka, isagoo warbixin kooban ka siiyay Wasiirka howllaha Shaqo ee Shaybaarka, tallaabooyinkii ay qaadeen iyo caqabadaha yaryar ee ku hor gudban howllahooda shaqo si loo sii horumariyo isla markaana looga gudbo caqabadaha jira ee xalka deg degga ah u baahan.

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay Shabeellooyinka

March 31, 2026
Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

March 31, 2026

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ayaa kormeeray qaybaha uu ka kooban yahay Shaybaarka iyo shaqada adag ee uu u hayo Bulsho waynta Soomaaliyeed, waxa uuna mid mid u dul istaagay Qalabka iyo Xafiisyada ay Ku shaqeeyaan Shaqaalaha Shaybaarka si loo hubiyo howllaha ka socoda, maadaama Xarunta ay tahay mid muhim u ah hanaanka Caafimaadka dalka iyo habsami u socodka howllaha Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada.

Wasiirka ayaa sheegay in Wasaaraddu sii horumarin doonto howlaha Shaqo ee Shaybaarka taas oo qeyb ka ah hiigsiga horumarinta adeegga Caafimaad ee guud ahaan dalka si loo xaqiijiyo howlaha horutabinta leh ee horyaalka Wasaaradda Caafimaadka iyadoo la raacayo qorshaha xukuumadda ee ku aadan ballaarinta iyo tayeynta Caafimaadka dalkeen.

Dr Cali Xaaji Aadam ayaa xusay inay ka go’antahay xaqiijinta yoolka Caafimaadka iyo daryeelka dadka, iyadoo marba marka ka dambeysa qaadeysa tallaabo kasta oo sida ugu haboon loogu gaari karo adeeg Caafimaad oo dhamaystiran, isla markaana laga hirgeliyo guud ahaan Soomaaliya.






Previous Post

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa NRC ee Soomaaliya

Next Post

Tartamayaasha Degmada Waaberi oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka “SAWIRRO”

Next Post
Tartamayaasha Degmada Waaberi oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Waaberi oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka “SAWIRRO”

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay Shabeellooyinka

March 31, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan oo lagu burburiyay xarumo ay...

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

March 31, 2026
0

Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta ayaa gaaray guul taariikhi ah kaddib ciyaar adag oo ay la yeesheen dhiggooda Mauritius,...

Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha u Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo kulan yeeshay

Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha u Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo kulan yeeshay

March 31, 2026
0

Waxaa maanta xarunta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) lagu qabtay kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

March 31, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Dr. Maryan Qaasim, iyo wafdigeeda ayaa ka qayb galay shirka Golaha Guud ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In